BBC-du waxay soo bandhigtay sanadkan 2024 liistada boqol dumar ah ee ay kasoo xulatay daafaha dunida.
Dadkaas waxaa ka mid ah Nadia Murad oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, Gisèle Pelicot oo ka badbaaday xadgudub galmo iyo ololeeye ka dhan ah arrimahaas, jilaaga Sharon Stone, ciyaartooyda Olimbikada Rebeca Andrade iyo Allyson Felix, fannaanadda Raye, farshaxanka muuqaalka Tracey Emin, ololeeyaha cimilada Adenike Oladosu, iyo qoraaga Cristina Rivera Garza.
Laga bilaabo la tacaalidda colaadaha halista ah iyo dhibaatooyinka bani'aadamnimo ee Gaza, Lubnaan, Ukraine iyo Suudaan, illaa goobjoog ka noqoshada kala qaybsanaanta bulshada ee ka dhalatay doorashooyin tiradoodu aad u badneyd oo ka dhacay adduunka, haweenka ayay qasab ku noqotay inay raadiyaan awood cusub oo adkeysi ah.
BBC 100 Women waxay aqoonsan tahay saameynta sannadkan uu ku yeeshay haweenka iyada oo u dabaaldegaysa kuwa – adkeysigooda awgii – dadaalaya sidii isbeddel loo sameyn lahaa, xilli dunidu ku xeerani ay isbeddelayso. Liiskani sidoo kale wuxuu sii wadaa ka go'naanshihiisa baadhitaanka saameynta xaaladda cimilada degdegga ah, isagoo iftiiminaya hormuudka cimilada ee ka shaqeeya caawinta bulshadooda si ay ula tacaalaan saameynta arrintan oo ay ula qabsadaan.
Magacyada si gaar ah looma kala horreysiinin
Maria Teresa Horta oo ah qof qoraa iyo wariye ah waa mid ka mid ah dadka u ololeeya dumarka ee ugu caansan Portugal waana mualifad qortay buugaag badan oo abaal marin ay ku heshay, laakiin dabcan waxaa sida ugu wanaagsan loogu yaqaanaa inay wax ka qortay Novas Cartas Portuguesas oo si caalami ah loo aqoonsan yahay (Warqadaha Cusub ee Boortaqiiska).
Isugeynta ama qubanaha qoraallo khiyaali ah, iyo kacsi waxaa durba si dhakhso ah u mamnuucday 1972 dawlada Portugal ee kalitaliska ahayd oo Horta iyo dadkii la alifayba waxaa lagu qaaday dacwad fuxshi inay sameeyeen ah iyo "xadgudub ka dhan ah warbaahinta ama daabacaada".
Kiiska Saddexda Maria, oo ahayd sidii loogu yeeri jiray, ayaa warka madaxdiisa noqday wuxuuna dhaliyay mudaaharaadyo caalamka oo dhan ah.
Dhageysiga dacwadooda ayaa dhammaatay kadib markii Kacdoondii Carnation ee 1974 (ee ubaxyada) uu riday dawladii - oo sanadkaan ayaa ah sanad guuradii 50aad ee waqtigaas taariikhiga ah.
Saxafiyad iyo gabayaa
Plestia Alaqad oo ah labaatan iyo labo sano jir ayaa dhawaan ka qalin jabisay jaamacad markii dagaalka Gaza uu bilowday. Maalmihii dagaalka ugu horreeyay waxay soo dhigtay baraha bulshada muuqaal fiidiyow ah oo ay iska soo duubtay ayadoo joogta abaartemeentadeeda ayadoo ay socdaan duqeymo ciidamada Israel ay wadeen oo cuslaa.
Aad ayaa uu u shaacay muuqaalku oo waxay heshay dad baraha bulshada kasoo raacay oo dhan afar milyan gaar ahaana Instagram ayadoo ku xijinaysay hadba wararka cusub ee Gaza, gabayo iyo dhacdooyinka xasuus qorka. Buugeeda ku salaysan warbixinadaas ee lagu magacaabo indhaha Gaza ama 'Eyes of Gaza' yaa dhawaan la daabici doonaa.
Alaqad waa mid ka mid ah hal wariye oo da' yar oo caalamku leeyahay sanadka 2024 ama One Young World Journalist of the Year 2024. Waxay sidoo kale u dooday Falastiiniyiinta ayadoo uga dhex dooday fagaareyaal faallo sare leh sida shirweynaha dawlada aduunka ee World Government Summit.
Alaqad waxay ka tagtay Gaza Nofeembar 2023. Waxaa la guddoonsiiyay minxo ay ku baranayso master's dhanka warbaahinta ah gudaha Beirut.
Hal-abuure ganacsi oo qaabilsan warbaahinta iyo waxbarashada
Markii gabdhaha Afgaanistaan ay Taliban ka mamnuuceen waxbarashada dugsiga sare, Xamida Aman oo ah ganacsade dhanka warbaahinta ah ayaa go’aansatay in ay bilowdo Begum Academy, oo ah kulliyad bixisa waxbarasho onlayn ah oo lacag la’aan ah oo loogu tala galay ardayda aan awoodin in ay iskoolka tagaan.
Sanadkii lasoo dhaafay, Hamida fagaaraheeda waxbarasho ayaa bixiyay in ka badan 8,500 oo muqaalo fiidiyow ah oo ku baxaya luuqadaha Dari iyo Pashto oo ku baxaya sidoo kale manaahijta iskoolada looguna tala galay fasallada todobaad ilaa 12aad.
Bishii Maarso Hamida waxay furtay Begum TV, oo ah kanaal waxbarasho oo lagu baahiyo koorsooyinka kulliyadda Begum iyada oo loo marayo satellite ama dayax gacmeed.
Adeegga ayaa daba socda mashruuceeda Idaacada Begum oo ah idaacad ay dumar aasaaseen, dumarkana loogu tala galay oo la abuuray kadib markii dalka ay la wareegeen Taliban 2021.
U dhaqdhaqaaqdo xuquuqda aadanaha
Svetlana Anokhina waxay sanado ku bixisay caawinta dhibbanayaasha rabshadaha guriga si ay uga baxsadaan Waqooyiga Caucasus ee Ruushka, oo ah gobol ay Muslimiintu u badan yihiin oo ku yaalla xadka Yurubta Bari iyo Aasiya.
Iyada oo ay la jiraan koox is-xilqaamayaal ahi, waxay aasaastay mashruuca Marem ee sanadka 2020. Mashruucani wuxuu caawiyaa haweenka khataraha ku jira ee ka soo jeeda Dagestan, Chechnya iyo jamhuuriyadaha kale ee Waqooyiga Caucasus-ka, waxuuna mashruucani fududeynayaa inay sameeyaan soo bixitaan iyo helitaanka hoy ku-meel-gaadh ah, sidoo kale waxay siisaa taageero sharci iyo taageero nafsiyan ahba.
Anokhina iyaduba waxay go'aansatay inay ka tagto Ruushka sanadkii 2021, ka dib markii ciidamada ammaanka ee Jeejniya iyo Dhajistaan ay weerareen hoygeeda haweenka.
Sanadkii hore, maamulka waxay fureen baadhitaan ciqaabeed oo ka dhan ah iyada, iyadoo lagu eedeeyay inay sumcad xumeysay Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka.
Sawirqaade
Gabadha wariyeha sawir qaadaha ah ee Christina Assi waxay ku kortay Lebanon sagaashameeyadii - kaasi oo ahaa waqti xasillooni darro joogto ah ay dalkaasi kajirtay kadib markii uu halkaa dhammaaday dagaal sokeeye - arrintaasi yaana sii hurisay hamigii ay u qabtay inay wax ka qorto ama ka sawirto dagaalka ayna wax ka qorto sheekooyinka aan wali la sheegin ee dagaalka.
Nolosheeda ayaa durba isbaddashay Oktoobar 2023 markii ay si xun ugu dhaawacantay duqeyn ay Israel u geysatay koofurta Lebanon.
Qaraxa ayaa dilay saxafiyiin nin ay wada ahaayeen oo la oran jiray Issam Abdallah, shan qof oo kale oo la shaqeyn jiray ayaana halkaasi ku dhaawacmay oo Assi lug ayaa mar dambe laga jaray.
Dhacdadan ayaa ka dhigtay inay u doodo badbaadada saxafiyiinta waxayna u hibeysay kaqeybgalkeedii ciyaarihii Olombikada ee 2024 tooshkoodii ee Paris si loogu sharfo dhammaan saxafiyiintii dhintay shaqada ayagoo kujira.
Haweeney cibaadada masiixiga u hibeysay nafteeda
Eugenia Bonetti ayaa gacan ka geysatay maareynta in ka badan 100 hoy waxayna hirgalisay shabakad dumarka naftooda u hibeeyay cibaadada masiixiga ah ay leeyihiin oo kutaala Afrika si ay u taageerto haweenka soo hijrooday ee dhibbaneyaasha u noqday ka ganacsiga dadka iyo si khaldan uga faaiideysiga dadka.
Waxay ku qaadatay habeeno badan caawinta haween lagu qasbay ganacsi galmo ah gudaha Rome waxayna noqotay madaxweynaha Slaves No More oo ah urur sameeya wacyigalinnada ka dhanka ah ka ganacsiga dadka.
Bonetti waxay daaci masiixi ah ka ahayd Kenya in ka badan 24 sano waxayna gacan ka geysatay tababaridda saraakiil kakala socday dalal badan si loo sameeyo dadaalo ka dhan ah ka ganacsiga dadka.
Kahor intii aysan hawlgab noqonin waxaa Pop Francis uu ka dalbay inay wax ka qorto siyaabaha macatabka ama 2019 Way of the Cross oo ah u go'itaan dadka diinta Katooligu u go'aan cibaado oo sanadle ah laguna xuso Jimcaha wacan ama Good Friday oo ka dhaca goob ballaaran oo loo yaqaano Colosseum.
Filin Sameeye
Waa sameeyaha dokumentari abaal marin lagu helo ayadoo Shin Daewe la xiray markii alaabadeeda laga dhex helay diyaarad drone ah.
Waxaa sanadkan lagu soo oogay dacwad gudaha dalka ay milatarigu ka taliyaan ee Myanmar, ayadoo lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbtay sharuucda la dagaalanka argagixisada. Maxkamada oo albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa iyada loo diiday matalaad sharci waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Haweeneydaa filimada dokumentariga ah samaysa ayaa ka hor timid xukunka militariga 1988 mana ahan qof uu ku cusub yahay xariggu.
Waxaa ay soo agaasintay darsin ah dokumentariyo gaagaaban kuwaasi oo in badan oo ka mid ah ay soo jiiteen dareenka caalamiga ah, ayadoo uu kujiro filimkeedii dokumentariga ahaa ee ku saabsanaa 2007 mudaaharaadyadii dimuqraadiyada lagu taageerayay oo kumanaan wadaad oo diinta Buddhist-aha ay kubiireen kana qeyb qaateen dibad baxyada looga soo horjeeday dawladii militariga.
Farshaxaniste
Intii lagu jiray sagaashameeyadii, Tracey Emin ayaa ku soo shaac baxday waxsoosaaradeeda sida My Bed iyo The Tent, kuwaas oo dadka ku dhiirigelinaayay bal in ay ka fekeraan waayo-aragnimadooda galmada.
Tan iyo markii ay bilowday, waxay noqotay magac si degdeg ah loo aqoonsan karo oo ka dhex muuqda dunida farshaxanka, waxaana la xusay qaabkeeda curineed ee isla-xisaabtan iyo sheeko-nololeedka.
Hadda waxaa laga jooga 25 sano tan iyo markii *My Bed* markii ugu horreysay lagu soo bandhigay London, taasoo dhalisay dood weyn oo warbaahinta ah. Ayada oo mar loo muujiyay *Ilmahii xumaa* ee farshaxanka Ingiriiska, sannadkan Emin waxaa lagu abaalmariyay Dame-ka King Charles sababo la xiriira wax ku darkeeda farshaxanka muuqaalka.
Farshaxamiistaha ayaa aasaastay *Tracey Emin Foundation* ee Margate, UK, si ay u gacan qabato hibada soo baxaysa yacni dadka hibada lagu maneystay ee soo koraya.
Inaad haweeney noqoto xilligan, waxaan u maleynayaa in aan u baahanahay adkeysiga ugu badan ee aan heli karno... Waxaan u maleynayaa in hadda uu yahay xilli ay tahay in la helo midnimo weyn iyo dagaal weyn oo loogu jiro haweenka.
Tracey Emin
Qoraa
Qoraa ama mualif sare Cristina Rivera Garza waxaa lagu aqoonsaday hawsheeda abaalmarinno badan sanado badan, oo ay kujirto abaalmarinta sanadka 2024 ee Pulitzer Prize ee buugaagta ayadoo ku heshay buugeeda Lilian's Invincible Summer, kaasi oo ifinaya ama sharraxaya arrimaha la xiriira dilalka loo geysto haweenka.
Sheekada walaasheed Lilian-oo la dilay sanadihii sagaashameeyadii laguna dilay Mexico ayadoo uu halkaasi kudilay wiil ay xiriir la lahayd waa hore kaasi oo baxsaday oo waligii aan maxkamad lasoo taagin-ayaa gudaheeda sheekadaasi waxaa qoraagu wajahaysaa geerida qofkaa ehelkeeda ahaa waxayna bilaabeysaa caddaalad raadin gudaha dal kamid ah kuwa ay aadka ugu badan yihiin dilalka dumarka loo geysto caalamka oo idil.
Rivera Garza waa sidoo kale qofkii aasaasay ahna guddoomiyaha barnaamijka PhD ee qoraallada halabuurka leh ee afka Isbaanishka ee Jaamacada Houston.
Luqadda si joogto ah oo si qoto dheer ah wax uga baddalideeda, si luqaddu ugu dambeyntii u muujiso dhinaca haweenka ee sheekada waxaa laga yaabaa in ay si wacan ugu hagaajiso aasaaska nooc kasta oo adkeysi ah.
Cristina Rivera Garza
Maamule hoy dumarku leeyahiin
Iyada oo gacanta ku haysa xarunta Icelandic Women’s Shelter, Linda Dröfn Gunnarsdóttir waxay caawisaa kuwa ku qasban inay ka tagaan guryahooda sababo la xidhiidha tacadiyada guryahooda loogu gaysto.
Iceland waa dalalka kaalmaha hore kaga jira marwalba "meesha ugu wacan ee qof dumar ahi ku noolaato", laakiin heerarka tacadiyada ku saleysan jinsiga ayaa si joogto ah u sarreeya.
Iyadoo ah maareeyaha guud ee xarunta, waxay hoggaamisaa mashruuca furanaya meel cusub oo noqon doonta hoyga ugu horreeya ee Islaan loogu talagalay haweenka.
Gunnarsdóttir ayaa tiri in 20 sano ka hor, 64% haweenkii hoyga ku jirey ay ugu dambeyntii dib ugu laaban jireen kuwii ku tacadin jiray, laakiin tiradani hadda waxay hoos ugu dhacday 11% sababtoo ah taageerada iyo adeegyada ayaa la hagaajiyay.
Waa sawirqaade
Ayadoo ka shaqeyneysay meelaha ay wabiyadu ka engegeen dalagiina hoos u dhacday, sawir qaade Maheder Haileselassie oo Itoobiyaan ah waxay iftiimisaa sida abaarta ba'an ay ugu qasabtay qoysaska dalkeeda inay rag u guuriyaan gabdhahooda yaryar. Shaqadeeda Waxa Udhexeeya Shalay Iyo Berri ayaa u sahashay inay ku guuleysato Abaalmarinta Sawir-qaadista Casriga ah ee 2023 ee Afrika.
Ururada xaquuqul insaanka ayaa filaya in tirada hablaha halista ugu jira in ayagoo carruur ah la guursado ayadoo taasina ka dhalatay dhibaata cimilada ay kordhi doonto caalamka saddex meelood meel wixii loo gaaro 2050.
Maheder Haileselassie sawir qaadisteeda waxaa xog siiya taariikhda iyo waayo aragnimada dadka ay la shaqeyso maalin waliba iyo waliba waaya aragnimadeeda ayada qudheeda.
Shaqadeeda waxaa lagu soo bandhigay meelo badan oo sharaf leh oo ay ku jirto African Biennale of Photography sanadkan.
Waa injineerad dhanka xifdinta hiddaha qaabilsan
Ayadoo dhismeyaal badan oo taariikhi ah dhaawacyo ay soo gaareen sanado dagaal uu ka socday Yemen kadib ayaa injineerad Harbia Al Himiary ay bilowday hawlgal ay nolol cusub ugu bilaabayso dhismeyaashaa.
Ayadoo iskaashi la yeelatay ururro kale sida hayada QM u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa ayadu ay dib u hagaajin ku samaysay daraasiin dhismeyaal ah oo qaarkood deegaan ay yihiin qaarna dhismeyaal dhaqanka loogu tala galay kuwaasi oo kuyaala Sancadii Hore iyo qeybo kale oo dalka katirsan. Unesco waxay kormeer kusoo samaysay dhaawacyo soo gaaray in ka badan 16, 000 oo goobood.
Shaqadeeda haweeneydaa ee goobta xafiditaanka hiddaha ma khuseyn oo kaliya goobaha taariikhiga ah dhowridooda iyo hagaajintooda balse sidoo kale waxay khuseysaa sii hagaajinta tayada nolosha ee dad badan.
Al Himiary waxay sidoo kale tababar siisay dadka daggan deegaanada maxaliga ah ayadoo bartay farsamooyinka dhismaha ee soo jireenka ah waxayna ku dhiirigalisay hablo yaryar inay soo galaan oo bilaabaan shaqadaas.
Waxay u ololeysaa arrimo diini ah
Anat Hoffman waxay tobanaan sano ku bixisay u ololeynta sinnaanta jinsiga iyo dhaqamada diimaha badan ee kujira Judaism
Waa xubin iyo muasas aasaasay Haweenka Gidaarka kooxdooda ama kooxda Women of the Wall oo doonaysa xaquuqo caabudaad ama tukasho ama ducaysi oo isku mid ah ama loo siman yahay oo loogu tala galay haweenka Yuhuuda ah ee Jewishka ee dhanka gidaarka galbeed ee Western Wall ee caasimada qadiimiga ah ee Jerusalem. Sanado badan waxay la dagaalamaysay sharuucda ka horjoogsanaya haweenka inay xirtaan shaalalka ducaysiga iyo si wada jir ah inay u aqriyaan Towraat.
Hoffman waxay sidoo kale ahayd 20 sano agaasimaha fulinta ee xarunta tillaabada diinta ee Israel ama Israel Religious Action Center oo ah garabka sharciga iyo wax udoodista ee Dhaqdhaqaaqa Isbaddalka ee u shaqeeya sidii uu sare ugu qaadi lahaa sinnaanta iyo caddaalada bulshada.
Intaasi ka hore, waxay kursi ama jago ku lahayd Guddiga Caasimada Jerusalem halkaas oo ay xujeyn jirtay siyaasadaha aadka asaliga u ah ee ultra-Orthodox.
Waa qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada
Booqasho ay ku tagtay xabsi kuyaala Colombia ayaa baddalay nolosha jilaayada caanka ah ee Johana Bahamon, taasi oo ku dhiirigalisay inay u adeegto dadka u baahan 'fursad labaad'.
2012kii ayay ka baddashay shaqadeeda jilaanimada una rogtay u dooditaanka isbaddalo ka dhaca xabsiyada waxayna aasaastay hayada Fundacion Accion Interna, oo ah urur aan faaiido doon ahayn oo taageera maxaabiista Colombia iyo dadka xabsiyada laga soo sii daayay.
Hayada ayaa waxaa lasoo tebiyay inay wax u qabatay 150,000 oo qof iyo xarumo dhan 132 oo dadka lagu xiro oo daafaha dalkaasi ku kala yaala.
Haweeneydaa u ololeysa arrimaha bulshada ayaa sidoo kale ahayd dhiirrigeliyaha Sharciga Fursadda Labaad ee 2022, oo loo yaqaan sharciga Johana Bahamon, kaas oo lagu aasaasay dhiirigalino dhaqaale si loo xoojiyo helitaanka shaqooyinka iyo tababar loogu tala galay dadka xabsiga laga soo sii daayay.
In la adkaysto waa wax kasii badan soo toosida iyo horay usocoshada kadib markii ay timaado xaalad adag; waa gaaritaanka go'aan loogu rogaayo fursad loogu tala galay kobac.
Johana Bahamon
Rabbi oo ah hoggaamiye Yahuud
Maadaama ay ahayd hormuud ka tirsan bulshada Yuhuuda ee New York ayaa rabbi Sharon Kleinbaum waxay ku qaadatay sodon sano dhiirigalinta isbaddalka isdhexgalka LGBTQ+ xaquuqdooda iyo diinta.
Ayadoo loo magacaabay 1992 inay noqoto rabbi dumar ah tii ugu horreysay ee caasimada kaniisadeeda Congregation Beit Simchat Torah ayaa waxay hoggaamisay bulshadaa oo barwaaqo iyo dhib intaba ay lasoo martay - taasi oo ay kujirto dhibaatada Aids ee sagaashameeyadii.
Waxay kormeertay ballaarinta xubnaha jameecada si loogu soo daro dadka jinsayadahooda baddalay iyo jinsi laaweyaasha oo haatan waxaa la aaminsan yahay in kaasi yahay macbadka synagogue-ga ee ugu ballaaran Mareykanka ee saaxiibka la ah LGBTQ+.
Kleinbaum oo hawlgab noqotay sanadkaan waxay ahayd awooda hoggaamineed ee ka dambeysay mashaariic isbaddal bulsho waxaana loo magacaabay Guddiga Mareykanka ee Xorriyada Diimaha ee Caalamiga ah xilkaasi oo uu u magacaabay Madaxweyne Joe Biden.
Farxada ayaa ah fal caabin ah oo ruuxi iyo siyaasi ah.
Sharon Kleinbaum
Nakhshad-dejiyaha dhismeyaasha
Dadaalkeeda ku aaddan "dimuqraadiyeynta nakhshadaha dhismaha" ayaa u suurtageliyay Lesley Lokko inay hesho bilad dahab ah oo uu bixiyo Machadka Royal ee Nakhshada Dhismeyaasha ee British-ka 2024 - oo ah mid ka mid ah abaal-marinnada ugu sarreeya caalamka ee shaqadeeda -taasina waxayna ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee abaalmarinta ka hesha machadka laga soo bilaabo markii la aasaasay machadka1848-kii.
Waxay u dooday oo hormuud ka noqotay inay kusoo darto dadka matalaada ay helaan ay yartahay shaqadaa caynkaasi ah labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Ayadoo ah aqoonyahanad Ghana kasoo jeeda isla markaana haysata jinsiyada Scottish-ka ayaa waxay sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah oo soo bandhigta Naqshadeynta Venice Biennale, oo ay diiradda ku saartay mawduucyada looga takhalusayo karbon-ka iyo xoraynta gumeysi kasaarida ummadaha ah.
Sidoo kale waa qofkii aasaasay Machadka Mustaqballada Afrika ama African Futures Institute oo kuyaala Accra, kaasi oo sahmiya ama aad u baara xiriirka ka dhexeeya nakhshadaha guryaha, aqoonsiga dadka iyo isirka.
Adkeysigu waa awooda lagu sii wado dadaalka xitaa marka aad la kulanto caqabado, kuwaas oo inta badan ay adag tahay in loo adkeysto - xataa markii la wajahaayo waxyaabo ay adag tahay in la kala saaro oo badanaa ay ay xaaladu ka adag tahay inta wax loo adkeysan karo marka loo eego in wax laga horyimaado.
Lesley Lokko
Wariye
Waxay ahayd qof aad u jecel wax qoridda tan iyo yaraanteedii oo Hinda Cabdi Maxamuud waxay lahaan jirtay xasuus qor ay ku dhigato sheekooyinka ku saabsan dadka ka qaxaya dagaallada kajiray magaaladeeda ay dagganayd ee Hargeysa Soomaaliya.
Haatan waa tifaaftiraha ugu sarreeya ee Bilan oo ah kooxda warbaahinta ee ugu horreysay dalka ee wada dumar ah.
Kooxda ayaa loo aasaasay inay la dagaallanto heerarka sarreeya ee dhaqanka galmada geyru sharciga ah iyo dhibaatada ay wajahaan haweenka Soomaaliyeed inta ay joogaan goobaha shaqada - kuwaasi oo ah caqabado inay jiraan lagu garawsaday warbixin ay dhawaan soo saartay QM.
Bilan waxaa ujeedkeedu yahay inay daboolka ka qaado oo sharraxdo arrimaha bulshada ee mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka ee wariyeyaali ka hawlgalaan, ayadoo soo tebinaysa sheekooyin sida Soomaalida uu hayo ama la nool HIV, agoonta lagu xadgudbo, iyo dadka xanuunka maqaarka uu hayo ee albinos-ka ee bulshadoodu ka dheeraato.
Qof wadooyinka ku safra ahna saameeye
Da'da 56 sano jirka ayadoo kujirta isla markaana guurkeedu xadgudub miiran uu ahaa ayaa Su Min waxay u baxday safar kaligeed ah oo wadada ah oo ay ku wareegeyso daafaha dalka Shiinaha ayadoo un wadata gaarigeeda iyo teendho iyo qarashkeeda hawlgabka.
Safarkeeda ayay ku kala bixisay in ka badan 100 caasimadood oo ku kala yaala in ka badan 20 gobol laga soo bilaabo markii ay soo bilowday gaari kaxeynta 2020.
Waxay wax kasoo qortay socdaalkeeda oo dhan guud ahaan, sheekadeedana waxay dood kulul ka dhalisay baraha bulshada, taas oo ku dhiirigelisay haweenka kale ee da’da dhexe, oo inta badan bulshada dhexdeeda lagu magacaabo ‘eedooyin’, kuwaas oo ku dhiiraday in ay ka horyimaadaan heerka ay taagan yihiin ama xaalada jirta.
Haatan waxay leedahay lix milyan oo qof oo bogageeda bulshada soo raacay ama ku tixan oo nolosheeda waxaa ay isu rogtay filin - Sida Rolling Stone kan lagu magacaabo - kaasi oo lasii daayay sanadkaan.
Waa naqshadeeye
Ayadoo ah naqshadeeye dharka faashiyoonka ah ee casriga ah ayaa Yasmeen Mjalli waxyaabaha ay samayso ee dharka ah waxaa dhiirigaliya nolosha reer Falastiin iyo caadooyinka dhaqanka ee soo jireenka ah.
Kadib markii ay ku kortay dhanka Koofureed ee Mareykanka ayaa waxay dib ugu guurtay Daanta Galbeed halkaasi oo ay daah furtay badeecadeeda cusub Nol Collective 2020.
Faashoonkeeda astaantiisa ayaa u roon lana shaqeeya meelo dharka lagu tolo oo qoys maamulo, dukaamada lagu gado waxyaabaha cuntada lagu daro ee bixiya midabada dabiiciga ah, iyo iskaashatooyinka haweenka si loo soo saaro funaanado ama dhar si guud ayadoo loo soo saarayo. Harqaanleyda, dadka dharka dunta ka sameeya ayagoo aan harqaan adeegsanayn, dadka dharka daabaca ah sameeya, iyo kuwa wax geedaha ka qora ayaa isticmaala farsamooyinkeeda soo jireenka ah, ayagoo qaddariya farshaxanka reer Falastiin ee samaynta marooyinka.
Mjalli waxay isticmaashay dhar ama maryo si ay u sheegto sheekooyin ku saabsan Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale wax ka qabatay dhibaatooyinka dadka wadooyinka loogu geysto ee dumarku la kulmaan caalamka ideylkii, ayadoo riinji kula qortay jumlada ah 'ma ihi qof aad isjeceshihiin oo xubbi idinka dhexeeyo' oo ay gaar ahaan ku qortay jaakadaha dunta adag laga sameeyo ee denim loo yaqaano iyo funaanado.
Waxay wax ka aasaastay Monumental Welsh Women oo ah urur aan faaido doon ahayn
Wixii ka horeeyay 2021, ma jirin sanamyo ay leeyihiin haween la magacaabo oo ah Walesh gudaha Walesh.
Si taas wax looga qabto, qareen Helen Molyneux waxay la kaashatay asxaabteeda si ay u dhisto Monumental Welsh Women, oo ah urur aan dawli ahayn ama aanan faaiido doon ahayn oo ujeedadiisu tahay in uu xoojiyo matalaadda haweenka Walesh ee dhanka dawlada oo la aqoonsado wax-qabadkooda iyo guulahooda.
Ayadoo lagu salaynaayo soo jeedino ama talooyin laga helay xubnaha dadweynaha ayaa Molyneux iyo kooxdeedu qorsheeyeen inay taagaan guud ahaan shan sanam oo haween ah si loo xaqiijiyo in aan la ilaawin sheekooyinkooda.
Kooxdu waxay rakibtay afar taallo - middii ugu horreysay waxay ahayd madaxii iskool ee ugu horreysay ee madow ee Wales Betty Campbell ee Cardiff, waxaa ku xigtay Elaine Morgan oo ku taal Mount Ash, Cranogwen oo ku taal Llangrannog, iyo Lady Rhondda oo ku taal Newport.
Abukaate udooda xaquuqda naafada
Iyadoo si cad uga hadlaysa waayo aragnimadeeda ka qof ahaan dadku usoo jeetaan dhanka galmada si la xiriirta ayadoo aan loo eegeyn jinsigooda lana nool cudurka neerfaha ee Multiple Sclerosis (MS), Roxy Murray waxay u isticmaashaa fagaaraheeda si ay u dhiirigeliso dadka qaba cudurrada khatarta ah iyo caqabada ay la kulmaan marka ay timaado ka mid noqoshada qaybaha daaweynta, gargaarka iyo ururada.
Dhaqdhaqaaqa Murray wuxuu adeegsadaa sooyaalkeeda dhanka faashiyoonka ama dharka casriga cusub, ka caawinta dadka naafada ah inay u gudbaan caawiyeyaasha dhaqaaqa ayagoo qaab fiican isticmaalaya iyo kor u qaadida muuqaalka dadka naafada ah ee ka soo jeeda dadyowga laga tiro badan yahay iyo kooxaha qabaailka ee kala duwan.
Waa qofkii aasaasay barnaamijka codka ah ee duuban ee bukaanka ee The Sick and Sickening oo dadka la wadaaga sheekooyin aan waxba laga faaf reebin oo ku saabsan naafonimada iyo xanuunka, min maareynta xanuunka ilaa caafimaadka galmada iyo wanaagga jirka iyo galmada.
Maadaama ay tahay haweeney geyru caadi ah, midabkeedu bunni yahay ayna naafo tahay, adkeysiga ayaa si qoto dheer ugu ah mid shakhsi iyo mid guudba. Wuxuu kusaabsan yahay awooda lagu xujeynaayo ama loogaga hortagaayo nidaamyada xagliya dadka sideyda oo kale ah.
Roxy Murray
Qoraa iyo tarjumaan
Ayadoo ah mid ka mid ah dadka ugu caansan ee noofalada ama buugaagta sheekooyinka qora ayaa Shahmush Parsipur waxay wax ka qabatay arrimo lama taabtaan ah oo shaqadeeda qeyb ka ah sida cadaadis galmo oo ka dhan ah dumarka iyo gadoodid ah gudaha bulshada sinnaan la'aanta jinsiga ku dhaqanta.
Waxay bilowday shaqadeeda ayadoo ah qoraa khiyaaliga qaabilsan iyo soo saare ka shaqeeysa Talefishinka iyo Idaacada Qaranka ee Iran, laakiin way iska casishay xilkaas ayadoo ka biyo diiday dilkii labo gabyaa oo xaquuqul insaanka u dhaqdhaqaaqi jiray ka hor kacdoonkii 1979. Arrinkaa ayaa keenay xiritaankeedii ugu horreeyay.
Laga soo bilaabo kacdoonka shaqadeeda ayaa aad looga mamnuucay Iran oo Parsipur xabsiga ayaa la dhigay mar kale maadaama ay si cad ugaga hadashay buugeeda Dumar Aan Rag Lahayn arrimaha ku xeeran bikronimada. Waxaa arrinkaa loo soo qaatay mar dambe filim kasoo baxay meel ka baxsan Iran.
Parsipur waxay dib u xasuusatay waayo aragnimadeeda xarigga ayadoo qoraal kusoo qaadatay oo dalka dibadiisa ayay masaafuris ugu nooleyd Mareykanka gudihiisa laga soo bilaabo 1994.
Waa haweeney ka ganacsata dharka casriga cusub
Clalandestina waa dharkii faashiyoonka ahaa ee ugu horeeyay noociisa ee madax banaanaa ee ka yimaada Cuba oo lagu iibiyo internetka adduunka oo dhan, waxaana wax ka aasaastay Idania Del Rio.
Shirkada ayaa dhalatay kadib markii Madaxweyne Raul Castro uu dabciyay xeerar adkaa taasi oo loogu tala galay ganacsiyada iyo beecmushtarka madaxa bannaan.
Ayadoo ay sameeyeen koox u badan haween dharka nakhshadeeya ama sameeya oo daggan Havana, ayaa waxsoo saarada shirkadu waxay jecel yihiin una dabaal dagaan oo ayidaan dhaqanka Cuba waxayna diirada saarayaan in la dhiirigaliyo ka maqsuudida hal-abuurka jasiiradda. Del Rio waxay wax qabadkeeda kusoo dartay waxyaabo ay ka mid yihiin kor u qaadida wax soo saarka alaabada ay soo saarto shirkada iyo min warshada ilaa suuqa iyo dadka isticmaalaya waxayna diiradda saartaa horumar waara.
Ayadoo ah qof ka qalin jabiyay Machadka Havana ee Naqshadeynta (ISDI) ayaa ay naqshadeysay boodhadh ay isticmaalaan goobo wax lagu soo bandhigo, tiyaatarada iyo riwaayadaha ka hor intaysan bilaabin ganacsigeeda faashiyoonka.
Waa qof qabta xafladaha aaska
Saddexdii sano ee lasoo dhaafay, Pooja Sharma waxay qabanaysay xafladaha ama isu imaatinada ugu dambeeya ee maydadka wax sheegta la waayo gudaha Delhi.
Waxa ay dhiirigalinta ka hesho waa waayoaragnimadeeda, inay markii hore qabatay xafladihii ugu dambeeyay ee aaska ee walaalkeed kadib markii la dilay ayna weyday qof la aasa.
Sharma waxaa soo wajahay iska caabin kaga timid wadaadada kaniisadaha iwm iyo bulshadeeda intaasi kasii ballaaran, maadaama dawrkaa sida soo jireenka ah ay raggu lahaayeen diinta Hindu-ga.
Inkastoo ay jirto dhaleeceyn xooggan, waxay u qabatay xaflado aas in ka badan 4,000 oo qof oo imaano iyo diimo kala duwan lahaa, ayadoo dadka kula wadaageysay shaqadeeda baraha bulshada una doodeysa sababta loo siinayo qof walba sharafta uu u qalmo markii uu geeriyoodo.
Waa qof aasaasay jiko maraq
Margarita Barrientos oo bilawday in ay maraq u kariso 15 qof, iyada oo loo marayo mashruuca jikada maraqa haatana quudisa 5,000 oo qof in kabadan maalintii, waxay caan ku tahay sida ay uga go'an tahay in ay la dagaalanto gaajada Argentina, halkaas oo 53% 46ka milyan ee qof ee kunool ay faqri haatan kunool yihiin.
Barrientos oo ku dhalatay mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalkaas, waxay lasoo darseysay dhibaato weyn yaraanteedii ilaa hadda. Waxay bilawday jikadeeda maraqa ee Los Piletones 1996-kii, waxayna inta ballaaratay noqotay aasaas maamula xarun xanaanada maalintii ah, xarun caafimaad, meel dhar tolidda lagu barto iyo maktabad.
Adeegeeda bulshada ayaa taageero ka helay ganacsiyo badan iyo dad caan ah - ciyaaryahanka kubbada cagta ee Lionel Messi ayaa dhawaan siiyay shaar uu saxiixiisa ku qoray si ay u naadiso oo u gaddo lacagna uga hesho.
Xirfadle dadka qurxiya
Ka dib markii laga helay alopecia oo ah cudur tinta daadiya, Olivia McVeigh waxay bilowday xirashada timaha bulukada ah. Intii ay ku guda jirtay tijaabinta qaabab kala duwan oo cusub iyo adeegsiga timo kale oo baddal ah oo kuweedii aanan ahayn, waxay bilowday madal ay ku dhiirigeliso kuna awood siiso haweenka la kulma dhibaatada timaha daadanaya madashaasi oo onlayn ah.
Iyada oo leh nus milyan taageerayaal ah oo soo raacay, waxay ka dhigtay xidhashada bulukada arrin iska caadi ah iyadoo sii wada wacyigelinta ku saabsan alopecia iyo caafimaadka haweenka.
McVeigh, oo ah qof xirfadle ah oo dadka qurxiya iyo qof saamayn leh kana soo jeeda Waqooyiga Ireland, waxaa timuhu bilaabeen inay ka daataan markii ay dhowr iyo toban sano jirka ahayd.
Hada waxay qabataa siminaaro looga hadlayo bulukada waxayna dadka la wadaagtaa safarkeedii ku wajahnaa helitaanka kalsoonida mar kale, abuuritaanka fagaare badbaado leh oo loogu tala galay haweenka qaba cudurka timuhu daataan ee alopecia si ay isugu yimaadaan oo wax caadi ah uga dhigaan wada hadalka ku xeeran xaaladaa.
Adkaysigu waa taajka haddii aynu dumar nahay xirano. Wax waanu aqbali karnaa waligeen, bedeli karnaa oo baran karnaa inaan ku hormarno deegaanka nagu xeeran, iyadoon loo eegeyn daruufaha jira si kasta oo ay yihiin.
Olivia McVeigh
Waa agaasime ama hage filimada qaabilsan, mualif, iyo mulkiilaha goob wax lagu soo bandhigo
Ayadoo haatan ay kusoo fool leedahay maalinteeda dhalashada ee 95aad ayaa qoraa iyo agaasime filin Xuan Phuong waxay kunooleyd nolol aad iyo aad u buuxda oo qorsheyaal badan.
Waxay usoo joogtay labo dagaal oo ka dhacay Vietnam waxayna usoo dagaallantay dalkaas xornimadiisa ayadoo joogtay Faransiiska ahaydna markaa 16 sano jir.
Waxay ahayd dhaqtarad qalin jabisay oo waxay ahayd madaxa rug caafiaad, wariye dagaal iyo filin hage ka shaqeeya taleefishinka Vietnam Television, ayadoo usoo joogtay waqtiyo taariikhi ah sida dhicitaankii Saigon.
Markii ay jirtay 62 sano baddalkii ay hawlgab noqon lahayd waxay bilowday meesha wax lagu soo bandhigo ee the Lotus Gallery - oo ah mid ka mid ah gallaries-kii sida gaarka ahaa loo lahaa ee ugu horreeyay oo kuyaalay Caasimada Ho Chi Minh - ayadoo dooneysay inay usoo gudbiso caalamka intiisa kale farshaxanka Vietnamese-ka. Waxay sii waday inay daryeesho oo barbaariso sarena hawshooda usoo qaado farshaxanyahanada da'da yar ee maxaliga ah si ay ugu guuleysato oo u hesho caanimo aad ah.
Maareeye matxaf
laalinta iyo soo noolaynta hidaha dhaqameed ee Kyrgyzstan waa mudnaanta Zhanylsynzat Turganbaeva.
Waxay ka shaqeysaa madxaf dhaqameed kuyaala Bishkek, kaas oo ay yaalaan farshaxano qaran oo gaar ah oo soo jiita booqdeyaal badan.
Qayb ka mid ah shaqadeeda samafalka waxay ku lug leedahay ilaalinta suugaanta Kyrgyz, oo uu ku jiro gabayga Epic of Manas oo ka sheekeynaya sheekada dagaalyahan la sheegay in uu mideeyay 40ka qabiil ee ku nool gobolka Kyrgyz.
Hal nooc oo ka mid ah gabayga hal-abuurka ah ee ay liis gareysay Unesco waxaa uu leeyahay ilaa 500,000 oo sadar oo shaki la’aan waa gabayga ugu dheer adduunka (20 jeer ka dheer kii The Homer's The Odyssey). Shaqada Turganbaeva waxay abuurtaa fursado iyo agab loogu tala galay 'Manaschis', madadaaliyeyaasha aqriya gabaygaan Kyrgyz ee qadiimiga ah.
Waa qof dharka tola ahna ganacsato
Labo sano ka hor, Dilorom Yuldosheva ayaa labada lugood ku wayday shil dhacay ayadoo dalag beer laga soo gurayay. Laakiin taasi kama joojin inay rajooyin weyn yeelato.
Waxay rabtay inay barato xirfado cusub iyadoo ka caawinaysa haweenka da'da yar ee Uzbekistan inay helaan dakhli, sidaas darteed waxay go'aansatay inay bilawdo ganacsigeeda tolida dharka.
Waxay baratay aasaaska hal-abuurka ganacsiga iyo maareynta kheyraadka, waxayna sii waday inay tababarto in ka badan 40 arday. Bilo gudahood, shirkadeedu aad ayay u kobocday waxayna awood u yeelatay inay abaabulaan aqoon-is-weydaarsiyo lacag-la'aan ah, isla markaana ay helaan qandaraasyo ay ku tolaan dharka shaqaalaha iyo ardayda dugsiyada.
Ganacsigeeda ayaa laga soo bilaabo waqtigaas wuxuu noqday isha dakhligeeda iyo isha dakhliga ee daraasiin kale oo haween ah.
Jimicsiga ama qaalma rogodka
Rebeca Andrade oo ku xeel dheer jimicsiga ama qaalma rogodka lixdeeda billadaha wadarta guud waxay ka dhigtaa Ciyaaryahanka Olombikada ee inta ugu badan la ammaano inta ugu badana la abaalmariyay ee Brazil (waxay haysataa sagaal koob oo caalami ah).
Waxay ku guulaysatay jimicsiga masraxa ee Olombikadii Paris 2024, iyadoo dhaaftay Simone Biles oo ku guulaysatay billadaha ugu badan adduunka. Intii ay socotay xafladdii billadda, Biles iyo saaxiibkeeda Mareykanka ah ee Jordan Chiles ee isla ciyaaraha qaalma rogodka waxay si wadajir ah u maamuuseen Brazilian-ka, tilmaantaas oo noqotay mid si weyn loo hadal hayo oo noqotay astaanta ciyaaraha Olombikada ee sanadkan.
Waa mid ka mid ah siddeed carruur ah oo walaalo ah, ilaa ay 10 sano jirsatayna, Andrade waxay u lugayn jirtay si ay ugu tababarato laga soo bilaabo xaafadooda oo ahayd duleedka magaalada Sau Paulo, halka hooyadeed oo kaligeed soo korisay ayadoo waalid kale uusan garab taagneyn ay dadka kale guryaha u nadiifin jirtay oo ay ku bixin jirtay tababarkeeda sidaas.
Soo caan bixideeda ayaa u saamaxay inay kasoo kabato dhaawacyo badan oo ba'an waxayna si cad oo aan qarsoodi lahayn uga hadashay mudnaan siinta caafimaadka dhimirka.
Inaan adkaysi yeelano waxay ku xiran tahay sida aanu ula tacaamulno waxyaabaha nagu dhaca anaga iyo caawinta xubnaha kooxdeyda si loo arko dhanka wanaagsan xataa haddii arrimuhu ay dhab ahaan kharaaraadaan.
Rebeca Andrade
Ciyaaryahanad ku dheesha jidka garoonka iyo dhexdiisaba
Iyadoo hanatay 20 abaalmarinno oo Taariikhiga Koobka Adduunka ah iyo 11 abaalmarinno Olombikada ah, Allyson Felix waa ciyaaryahannada orododa garoomada biladaha ugu badan ku guuleystay taariikhda.
Ka dib markii ay ku dhacay nooc darran oo dhiigkar ah ayna dhicisay gabadh, waxay noqotay taageere xoog leh oo u doodaya xuquuqda caafimaadka hooyada. Hadda waxay heshay deeq lacag ah oo gaaraysa $20 milyan oo doolar oo ka timid Melinda French Gates si ay u horumariso daryeelka caafimaadka hooyada ee haweenka madow ee gudaha Maraykanka ku nool.
Ciyaaryahanadan hawlgabka ah ayaa door muhiim ah ka qaadatay furitaanka xaruntii ugu horreysay ee xanaanada taas oo laga hirgaliyay Tuulada Olombikada ee Paris 2024.
Sidoo kale sanadkan, waxaa la doortay inay ku biirto Guddiga Ciyaartoyda ee Komishanka Caalamiga ah ee Olombikada waxayna bilowday shirkaddeeda maareynta ciyaaraha oo si gaar ah diiradda u saareysa ciyaaraha dumarka.
Adkaysigu waa helitaanka xoogga iyo quruxda loo wajahayo xaaladaha adag si toos ah iyo in loo isticmaalo dib u dhac kasta sidii shidaal si horey loogu sii socdo.
Allyson Felix
Ciyaaryahan ciyaara Taekwondo oo naafo ah
Iyada ah xubintii ugu horreysay ee Kooxda Paralympic ee Qaxootiga waa ciyaartoyda naafada ahe ee abid ku guulaysata bilad, Zakia Khudadadi ayaa taariikh ka dhigtay Ciyaarihii Paris ee 2024.
Gabadhaa ciyaartoyda ah oo dhalatay ayadoo ay ka maqan tahay mid ka mid ah qeybaha hore ee gacmaha ayaa bilowday ciyaarida taekwondo ayadoo 11 jir ah si qarsoodi ahna ku bilowday gudaha jiimka ama gym-ka lagu jimicsado ee magaaladii ay kunooleyd ee Herat ee galbeedka Afghanistan.
Markii hore waa loo diiday fursad ay kaga qeyb qaadato ciyaarihii ciyaartoyda naafada ah ee ka dhacay Tokyo kuwaasi oo markii dambe noqday kuwii ugu horreeyay ee ay ka qeyb gasho kadib markii ciidamada Taliban ay awooda dalkaasi mar kale dib ula wareegeen sanadkii 2021.
Laakiin kadib markii uu arrinka soo faragaliyay Guddiga Ciyaartoyda Naafada ah ee Caalamiga ah taageerana laga helay dawlada dalka Faransiiska, si badbaado leh ayaa looga soo kaxeeyay Afghanistan waxayna noqotay haweeneydii ciyaaryahanka ahayd ee reer Afghanistan ee markii ugu horreysay ka qeyb qaadata dhacdo isboorti oo caalami ah kadib markii dalka ay taladiisa la wareegeen Taliban.
Socdaalkayga billadda Olombikada wuxuu ka hadlayaa awooda adkeysiga haweenka Afgaanistaan, haweeney qaxooti ah, iyo haweeney kasta. Inaga oo aan is dhiibayn, waxaan sii wadeynaa inaan muujino in aysan jirin wax haweeney aysan sameyn karin.
Zakia Khudadadi
Fanaanad iyo qoraa heesaha qora
Waa mid ka mid ah dadka ugu caansan dhanka heesaha Pakistan, waxayna Hadiqa Kiani caan ku tahay codkeeda xamaasadda leh iyo wax qabadkeeda arrimaha gargaarka baniaadminimo.
Tan iyo markii ay caan noqotay 1990-meeyadii, fannaanada pop-ka waxay noqotay mid leh awood la jecel yahay gudaha Koofurta Aasiya gaar ahaan dhanka arrimaha muusiga pop, iyo sidoo kale inay noqotay danjire samadoon ah oo ay u ahayd Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay.
Si wax looga qabto daadadka ba'an ee Pakistan ku dhuftay 2022, Kiani waxay daahfurtay mashruuca Vaseela-e-Raah si uu u caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Balochistan iyo Koonfurta Punjab.
Waxay ku tirtirsiisay dadweynaha inay caawiyaan qoysaska barakacay sanadkii lasoo dhaafayna, mashruucu wuxuu shaaciyay inay xubnihiisu dhiseen 370 guri iyo goobo kale ayna ka dhiseen goobaha saamayntu gaadhay.
Waa fanaanad adeegsata codadka muusigga kabanka ee afka qalaad loo yaqaano heavy metal band
Xujeynta caadooyinka jinsiga iyo kuwa diinta ee adag waa wax Firda ay ku qanacsan tahay, ayadoo ah cod-qaade hoggaamiye ah iyo kabaniste ka tirstan kooxda muusikada codadka kabanka ee wada xijaaban ee Voice of Baceprot.
Ayadoo ku heesta af Ingiriis iyo af Sundanese, oo ka mid ah luuqadaha loogu isticmaalka badan yahay laguna hadlo ee dalka Indonesia, ayaa kooxda muusikada oo ka kooban saddex waxaa miraha heesahoodu sharraxaad ka bixiyaan walaaca ay ka qabaan awood marooqsiga ragga.
Waxaa jirtay iska caabin ka imaanaysa Muslimiinta muxaafidiinta ah, kuwaasi oo aan si wacan usoo jawaabin markii kooxdu ku dhiirratay muusigga codadka kabanka.
Laakiin kooxda ayaa horumar weyn ku tillaabsatay laga soo bilaabo markii ay bilowday hawsheeda 10 sano ka hor ayadoo shaqada ka soo bilaawday tuuladooda iskoolka kuyaala ee Garut, Galbeedka Java. Sanadkaan waxay ka tuntay Glastonbury, ayadoo ah kooxdii ugu horreysay ee Indonesian ah ee ka qeyb qaadata xaflada muusiga taariikhdeeda soo jirtay 54-ta sano.
Orodyahan masaafo dheer
Ayadoo loogu dabbaal dago guulaheeda ay kasoo hoysay orodka masaafada dheer ayaa gabadha orodyahanka masaafada dheer ah ee Romanian-ka ah balse kudhalatay Kenya ee Joan Chelimo ee ciyaaraha Olombikada waxay ku guuleysatay billad qalin ah ciyaarihii nus maaradoonka ee Horyaallada Yurub ee sanadkaan.
Ciyaaraha isboortiga kasokow, waxay ka badbaaday carqalad jinsi ku salaysan waxayna doonaysaa inay waaya aragnimadeeda shakhsiyeed u adeegsato inay sharraxaad ka bixiso waxna ka qabato khataraha badanaa ciyaartoyda ama oradadu wajahaan.
Waxay wax ka aasaastay Tirop's Angles oo ah urur ka kooban ciyaartoy ama oradyahano Kenyan ah oo la aasaasay kadib markii la dilay gabar orodyahan ahayd oo la jaal ahayd rikoor caalami ahna haysatay oo lagu magacaabi jiray Agnes Tirop 2021, ururkaasi oo ka hortaga carqalada haweenka ka dhanka ah asagoo adeegsanaya hawlo badan oo kala duduwan.
Sannadkan, dilkii Rebecca Cheptegei oo ahayd orodyahanad dhanka Olombikada ah taasi oo uu dilay shiriigeedii nolosha ee hore ama qof ay horay xiriir ula lahayd ayaa mar kale kiciyay baaqyo ah in tallaabo laga qaado dilalka dumarka ee ka dhaca gudaha dalka Kenya.
Waxaan aaminsanahay in isbeddelka dhabta ahi uu bilaabmayo marka aan go'aansanno in dhibkayagu aanu ahayn dhammaadka sheekadeena, laakiin uu yahay bilowga wax intii hore ka waaweyn.
Joan Chelimo Melly
Fanaan ahna qof udooda cimilada
Udoodaha caddaalada cimilada, fanaan iyo filim sameeye Inna Modja waa haweeney caqabado badan sidii ay uga gudbi lahayd wada - laga soo bilaabo la dagaalanka gudniinka fircooniga ilaa u doodista horumar waara.
Waxay soo saartay oo agaasime ka ahayd filimka The Great Wall, kaas oo diiradda saaraya dadaalka hamiga Afrika ee xakamaynta sii ballaarashada saxaraha iyo dib u soo noolaynta dhulkii burburay ee gobolka Saaxil ee koonfurta Saxaraha ku aaddan laga soo bilaabo bari ilaa galbeed 12 waddan.
Maadaama ay tahay safiir qaabilsan samadoonimo oo loogu tala galay Heshiiskii QM ee Caalamiga ahaa ee Kadhanka ahaa Xaalufinta Dhirta, Modja waxay sare u qaadaa codadka bulshooyinka uu saameeyay isbaddalka cimiladu.
Sidoo kale waxay wax ka aasaastay Code Green oo ah urur aan faaiido doon ahayn oo isku dara teknoolojiyada halabuurka iyo ciyaaro ciyaaridda si loo dhiirigaliyo tilaabo wanaagsan in la qaado.
Adkeysigu waa kobcinta awooda dumarka iyo habluhu ku hoggaaminayaan xalalka isbaddalka leh.
Inna Modja
Fanaanad
Fanaanada caanka ah ahna qof qorta qeybo ka mid ah miraha heesaha Laatiinka ee reer Guatemala ee Gaby Morono waxay caan noqotay ka dib markii ay ku guuleysatay qeybta guud ee Grammy ee Albumka Pop-ka Laatiinka ugu Fiican sanadka 2024.
Muusigeeda oo ku salaysan isku-darka laba luuqadood oo ay saameeyeen Americana, Soul iyo qaababka Laatiinka ah waxaa asaga iyo codkeeda dareenka leh ay muujinayaan dhaxal dhaqameedkeeda hodanka ah.
Moreno waa qofkii ugu horreeyay ee reer Guatemala ah ee noqda safiirka samadoonka ah ee Unicef, asagoo u ololeynaya xaquuqda carruurta.
Waxay dhawaan bilowday olole lagu doonayo kordhinta xirmooyinka waxbarasho ee tayaysan ee dalkaas oo la qiyaasay 2.7m oo wiilal iyo gabdho ah in ay ka maqan yihiin nidaamka iskoollada.
Waa fanaanad qaada heesaha Afro-pop
Fanaanada ahna heesa qortada Noella Wiyaala Nwadei waxaa aad loogu yaqaan masraxa magaceeda Wiyaala, oo macnahiisu yahay 'fuliye' luqadeeda Sissala.
Ayadoo lagu aqoonsaday dareenkeeda faashiyoonka ama dharka casriga cusub iyo qaabkeeda gaarka ah ayaa fanaanadu waxay samaysaa ama naqshadeysaa dharka ay masraxa uga heesto iyo waxyaabaha ay isku qurxiso si ay u muujiso caadooyinka soo jireenka ah ee gobolka ay kasoo jeedo ee waqooyiga Ghana.
Miro badan oo ay leedahay ayaa ifiya si khaldan uga faaiideysiga haweenka Afrika. Wiyaala waxay aad ula shaqeysay hayadaha QM iyo hayadaha dawliga ah ee Ghana si loola dagaallamo carruurta yaryar in la guursado.
Waxay sidoo kale dhistay xarun suugaaneed, idaacad iyo maqaaxi si sare loogu qaado shaqaaleysiinta iyo hal abuurka kajira magaalada ay kasoo jeedo ee Funsi.
Qaansooley
Kadib markii uu guriga ku soo weeraray saaxiibkeedii hore 2019, Tracy Otto waxaa laga dhigay naafo laga soo bilaabo laabta ilaa qaybta hoose ee jirka waxaana kadhacday isha bidix. Maadaama ay horay u ahaan jirtay moodel jimicsi oo hammi leh, waxay go'aansatay inay dib ugu noqoto firfircoonideedii.
Bishii Maarso 2021, Otto waxay bilowday isboorti aysan waligeed horay isugu dayin - qaansooleynimo. Waxay ku dhuftay falaartii ugu horreysay ee ay abid riddo yoolka, oo aad ayaa ciyaartu usoo jiidatay.
Sanadkan, Otto ayaa markii ugu horeysay ka qeyb gashay ciyaaraha Paralympic ee Paris ee naafada. Naafonimadeeda awgeed, waxay ku sii deysaa afkeeda fallaaraha.
Ku dhawaad shan sano ka dib, Otto waxay sidoo kale isticmaashaa khibradeeda si ay ugu doodo kuwa ka badbaaday rabshadaha qoyska.
Lagdanto
Vinesh Phogat, oo saddex-jeer Olombikada ku guuleysatay waa mid ka mid ah cayaartoyda ugu badan ee abaalmarinnada lagdanka ku guuleystay dalka Hindiya, sidoo kalena waa mid ka mid ah dadka ugu codkarsan ee ka soo horjeeda fikradaha jinsiyeed ee ka dhanka ah haweenka ciyaaraha. Waxay ku guuleysatay abaalmarinnada Koobka Adduunka, Ciyaaraha Comonwealth iyo Ciyaaraha Aasiya.
Sanadkan, Phogat waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Hindiya kasoo jeeda ee gaadha finaalka Olombikada, laakiin waxaa laga reebay kadib markii ay ku fashilantay miisaanka. Waxay intaas kadib ka fariisatay ciyaaraha waxayna gashay siyaasadda.
Phogat oo si toos ah uga hadashay caadooyinka jinsiga, waxay ahayd wejiga mudaharaad muddo bilo ah oo ay sameeyeen lagdamayaasha Hindiya oo ka dhan ahaa madaxweynahooda isutagga federaalka ah, Brij Bhushan Singh, oo lagu eedeeyay in uu xadgudub galmo u gaystay haweenka ciyaartoyda ah – waa eedeyn uu dafiray.
Mudaharaadku wuxuu noqday mid warbaahinta aad u hadal hayso markii boolisku qabteen Phogat iyo kuwa kale intii ay socdeen bannaanbaxyadu
Awoodda aad ku socodsiin karto naftaada maalin xun oo shaqo, isla markaana naftaada kalgacal siin karto, ayaa ah waxa adkaysigu yahayba.
Vinesh Phogat
Fanaanad
Haweeneyda heesta isla markaana qorta heesaha ee Raye ayaa taariikh wacdaro ah dhigtay sanadkaan oo ka dhigtay abaalmarinta Brit Awards ayadoo ku guuleysatay lix ka mid todobo abaalmarin oo loo magacaabay isla markaana noqotay haweeneydii ugu horreysay ee abid ku guuleysata qoritaanka heesaha sanadka.
2021, Raye waxay kula wadaagtay dadka baraha bulshada inay todobo sano dagal ugu jirtay diiwaankeeda astaantiisa Polydor si ay usoo deyso albamkeeda.
Waxay soo jeedisay albamkeeda istuudiyaha ee ugu horreeyay ee la magac baxay My 21st Century Blues ayadoo usoo sii deysay sidii heesaa madax bannaan 2023 arrinkaasina uu noqday guul muhiim ah oo ganacsi.
Waxay si cad uga hadashay halganadeeda ay wajahaysay ee dhanka muusigga ah iyo wixii kabaxsan intaba ayadoo ay kujiraan weerar galmo, isticmaalka maandooriyaha iyo body dysmorphia oo ah xaalad maskaxeed waxayna ku baaqday in qorayaasha heesaha lasiiyo lacago intii hore ka xaqnimo badan.
Jilaa
Atariishada Hend Sabry waa mid kamid ah haweenka ugu caansan filimada Carabta. Doorkeeda filimka haweenka lagu taageerayay ee The Silences of the Palace (1994) ayaa ay ku iftiimisay xadgudubyada galmada iyo kuwa kadhanka ah bulshada ee ay la kulmaan haweenka Tunisia.
Waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Carbeed oo garsoore ka noqota Bandhigga Filimka Venice sanadka 2019.
Waxay dhawaan ka qayb gashay filimka Olfa's Daughters kaas oo loo xushay filim Tunisian ah si uu ugu tartamo abaalmarinta Oscars 2024 waxaana loo magacaabay qaybta ugu wanaagsan ee dokumentariga.
Bishii Nofembar, Sabry waxay iska casishay safiirnimadii samadoonimada ee Qaramada Midoobay, iyadoo ka mudaaharaadaysay wax ay ugu yeeray u sticmaalka gaajada hub ahaan loo adeegsaday dagaalka Gaza.
Ma aha oo kaliya badbaadid; balse waa in aad naftaada dib u dhisto oo aad hesho qorshe adoo u maraya halganka...in aad u beddesho xaaladda adag ee aad ku sugan tahay ama xanuunka tillaabo waxqabad.
Hend Sabry
Fanaanad iyo curiye
Xili codka dumarka Afgaanistaan laga aamusiyay goobaha fagaaraha ah ayaa fanaanada Elaha Sooroor waxay qortay heesta Naan, Kar, Azadi! (Rooti, Shaqo, Xoriyad!) si ay uga hortagto cadaadiskaas ayna u dirto farriin dhiirigelin ah.
Heesta ayaa lasii daayay Oktoobar waxaana laga sii daayay Shirkii Dhammaan Dumarka Afghan ee Albania ee aan horay asagoo kale loo arag.
Shaqadeeda oo isugu jirta filin, tiyaatar iyo muusig, ayaa fanaanada abaalmarinta mudan ay badanaa u isticmaashay fagaaraheeda inay ugu doodo xaquuqda haweenka.
Saroor, oo ka soo jeeda bulshada laga tirada badan yahay ee Hazara, ayaa laga helay bandhiga hibada ee caanka ah ee Afganistan 2009 (Afghan Star). Laakin waxay la kulantay dhaleeceyn rabshad leh sababtuna ahayd inay shaqadeeda wadatay dhanka muusiga ah waxayse dalka ka tagay 2010kii.
Jilaa ama atariisho
Xiddigta Hollywood ee Sharon Stone waxay dhigtay wacdare dhanka saashada iyo dhanka kale sidoo kane saashada oo dansan sodonkii sano ee lasoo dhaafay.
Atariishada ayaa caan noqotay horaantii 1990-meeyadii ayadoo soo bandhigtay filimkii caan baxay ee Basic Instinct iyo sidoo kale filimo blockbusters ah oo ay jishay sida Total Recall iyo Casino oo ay ku muteysatay Abaalmarinta Golden Globe waxaana loo magacaabay abaalmarinta Oscar.
Marka lagu daro xirfadeeda jilitaanka ee weyn, Stone waxay qabatay shaqo samafal ah ayadoo taageero ufidineysa istiraatijiyado badan, waxaana aqoonsaday dadka haysta Abaalmarinta Nobel ayagoo ku aqoonsaday Abaalmarinta Shirweynaha Nabadda maadaama ay qabatay hawlo lagu taageerayo dadka la nool HIV.
Horraantii sanadkaan, guulaheeda ayaa loo sii dabbaal dagay ayadoo la siiyay abaalmarinta caleema saarka dadka caanka ah ee caalamiga ah ee dunida dahabiga ah ee Golden Globe.
Waxaan dooran karnaa inaan cabano ama waxaan dooran karnaa inaan faraxno. Aniga waxaan filayaa inay un tahay inaad doorato had iyo jeer farxada... inaad daaqada wax ka eegto aadna doorato inaad dhanka samada eegto.
Sharon Stone
Soo-bandhige barnaamij hadal ah iyo moodel
Ka dib markii ay kasoo muuqatay ololaha Malo-awaal Inaan Awoodo ama Asume That I Can, muuqaalka Madison Tevlin wuxuu noqday mid aad loo jecel yahay oo ku shaacay caalamka oo idil sanadkan wuxuuna meesha ka saaray fikrado khaldan oo laga aaminsan yahay dadka qaba xaalada Down Syndrome ee asiibta garaadka iyo korriinka.
Ololaha wacyigelinta xaaladdan ayaa waxaa daawaday in ka badan 150 milyan oo qof, waxayna ku guuleysatay abaalmarinno saamayntiisa dartii, uuna ka mid yahay Libaaxa Dahabka ah ee sharafta weyn lagu helo ee Munaasabada Cannes Lions.
Jilaa iyo moodel Tevlin ayaa lagu soo bandhigay New York Fashion Week ee ah asbuuca dharka cusub, waxay ka hadashay ka qeybgalinta Dadaalka Caalamiga ah ee Clinton Global Initiative, waxayna heshay abaalmarinta Udooditaanka Gaarka ah ee Nooceeda Aan Horay Loo Arag ee Quincy Jones.
Waxay sidoo kale soo deysay bandhiga hadalka ee abaalmarinta loo magacaabay ee Yaad Moodeysaa Inaan Ahay ama Who Do You Think I am? iyo barnaamijka codka ah ee duuban ee 21ka suaalood ama 21 Questions podcast.
Adkeysigu maahan in marna aan la quusan oo dadaalka la joojin markii la ixukmiyo ama la iska kay indha tiro ama heerkayga heer ka hooseeya la igu qiyaaso... Waa u sare joogsiga ama u qumida waxa aan aaminsanahay iyo inaanan marna ka quusan nafteyda iyo bulshadayda.
Madison Tevlin
Majaajilayste
Naomi Watanabe, oo ka mid ah dadka saamaynta badan ee ugu caansan Japan, waxay waddada u xaadhay jiil cusub oo ah haween kuwaas majaajiliistayaal ka ah dalkaasi.
Waxay dhex gashay masraxa majaajilada Japan ee raggu ku badan yihiin, iyadoo door hoggaamineed ka qaadatay iyadoo haweeney ah abuurtayna barnaamijyo majaajilo oo guul weyn gaadhay.
Watanabe sidoo kale waxay ka shaqaynaysaa beddelidda aragtida ku saabsan cayilka ee Japan, iyadoo hormuud u ah dhaqdhaqaaqa taageerada cayilka ee loo yaqaan *pochakawaii*, oo micneheedu yahay "buuran oo qurux badan." Waxay furtay mid ka mid ah noocyada ugu horreeya ee dharka dadka xajmiga weyn ah ee Japan laga heli karo.
Ka dib markay guulo waaweyn ka gaadhay telefishinka iyo filimada Japan, hadda waxay u guurtay Mareykanka si ay u qabsato masraxyada majaajilada ee caalamiga ah.
Sidee ayaad u adkaysataa? Had iyo jeer waxaan is dhahaa, 'Haddii aadan i jeclayn, waa iska caadi. Fadlan i sii hal sano, laga yaabee inaan fikradaada beddelo.' Tani waa fikirka aan mar walba qaato.
Naomi Watanabe
Toogta olombikada qof ka qeyb qaata
Karti iyo guulo isboorti oo ay Kim Yeji kusoo jiidatay dareenka caalamka sanadkaan.
Toog yaqaanka bastoolada ayaa ku guulaysatay tartankii 10m ee haweenka tartankii Olombikada ee ugu horeeyay bishii Luulyo ee bastoolada hawada, ka dib markii ay dhigtay rikoorka aduunka bartilmaameedka 25m ee dumarka dhawr bilood ka hor.
Muuqaallada fiidiyowgeeda ayaa durba aad ugu shaacay baraha bulshada ayadoo aan kaliya lagu amaanin xirfadaheeda laakinse sidoo kale dabeecad qabowgeeda, wax dhuuxideeda aan looga horreyn iyo wax eegitaan sayniska khiyaaliga ah uu dhiirigaliyay xirana ookiyaalaha bespoke si ay ugu caawiyaan saxsanaanta.
Kim Yeji waxay u hadashay si cad ayadoo ka hadashay sida ay u aragto xilalka hooyanimada. Waxay sidoo kale kanasanaysaa isboortiga iminka si ay waqti ula qaadato gabadheeda lix sano jirka ah.
Isboorti anagoo isticmaaleyna ayaan muujinaa adkaysi, shaqo kooxeed iyo go'aan adayg - qiyamyada aniga ay ila tahay inay khuseeyaan waxyaabo kasii badan ciyaaritaanka lagu ciyaaro garoonka si loo dhiirigaliyo isbaddal bulsho oo intaa kasii ballaaran.
Kim Yeji
Waxay ciyaartaa tennis-ka miiska
Ciyaartooyga tennis-ka miiska ee reer Chile ee Zhiying Zeng - amase Tania lagu magacaabo - ayaa gashay ciyaarteedii ugu horreysay ee Olombikada oo ka dhacday Paris intii ay socdeen ciyaarihii Paris ee 2024 ayadoo jirta 58 sano.
Waxay ahayd arrin soo socotay muddo dheer: ayadoo hooyadeed ahayd tababare, waxay noqotay xirfadle da'da yar ee 12 sano jirka ayadoo jirta. Waxay ku guuleysatay inay ka mid noqoto kooxda qaranka ee Shiinaha laakinse intaa kadib waxay u guurtay Chile, ayadoo ka tagtay isboortiga 30 sano si diiradda u saarto ganacsiyadeeda.
Safmarkii Covid-19 ayaa kusoo celiyay Tania Zeng tennis-ka miiska.
2023 waxay ahayd qofkii dumarka ahaa ee ugu heer sarreeyay isboortiga Chile, ee matalaya dalkaasi kuyaala Koofurta Mareykanka Horyaalkiisa iyo Ciyaaraha Mareykanka kahor intii aysan ku guuleysanin "wixii mudada dheer ay kutaami jirtay" ee ahaa inay ka qeyb qaadato guulna kasoo hoyso Olombikada.
Filim hagge
Chloé Zhao, oo ah haggaha filmka ku guuleysatay Abaalmarinta Oscar-ka iyo qoraa, waa haweeneydii ugu horreysay ee aan caddaanka kasoo jeedin– iyo mid ka mid ah saddexda haweenka ah ee taariikhda kujira – ee ku guuleysta abaalmarinta maamulka filimada ee ugu wanaagsan ee Akadeemiyada.
Zhao, oo ku dhalatay Beijing, ayaa u guurtay UK iyo Maraykanka. Waxay nafteeda ku qeexdaa sidii xoolo-raac – mawduuc uu filimkeedii abaalmarinta ku guuleystay ee *Nomadland* (2020) xusayo.
Laga soo bilaabo matalaadda bulshooyinka asalka ah ee filimadeeda hore kujiray ilaa hagista koox jilayaal ah oo aad ugu kala duwan taariikhda oo kujira Caalamka Marvel ama Marvel Universe, Zhao waxay si xiiso leh u dareentaa waxa dhammaanteen ina xidhiidhiya aadane ahaan.
Sanadkan, waxay ku jirtay hagitaanka filim iyadoo hagaysay soo qaadashada Maggie O’Farrell oo ah buug sheeko oo ku saabsan xilligii Shakespeare Hamnet, kaasoo lasii dayn doono sanadka 2025.
Haddii aynaan bedelin qaab-dhismeedka waxa aanu ka shaqeyneyno, waxaan un sheegeynaa inaan u baahan nahay inaanu un ragga sidooda noqono si aanu qiime u yeelano. Ma u malaynaayo in taasi tahay barta awoodeennu kujirto.
Chloé Zhao
Waa qof u ololeeya xaquuqda LGBTQ+
Markii Thailand ay saxiixday sanadkaan sharci kusaabsan sinnaanta guurka oo ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Koofur Bari Aasiya ee aqoonsada guurka dadka isku jinsiga ah, Ann 'Waaddao' Chumaporn waxay heshay sabab ay u dabaaldegto.
Waxay hormuud ka ahayd dadaallada lagu ansixinayo sharciga baarlamaanka dhexdiisa, iyadoo u adeegeysay sidii guddoomiye qaabilsan dib u eegida iyo wax kabaddalka sharciga gudaha Aqalka Wakiillada iyo Golaha Guurtida labadaba.
Iyada oo ah aasaasihii Bankok Pride iyo dhaqdhaqaaqe qaabilsan haweenka khaniisiinta ah ee aan caadiga ahayn kana timid miyiga koonfurta Thailand, Chumaporn waxay u doodaysay xuquuqul insaanka iyo LGBTQ+ xaquuqdooda qoyska muddo ka badan toban sano.
Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii dhalinyarada ee 2020 ee Thailand, way soo shaacbaxday oo waxay noqotay hoggaamiye katirsan xisbiga Dimuqraadi-doonka Xoreynta Haweenka; waxaa soo wajahay sideed dacwadood oo siyaasadeed sababo la xidhiidha dhaqdhaqaaqeeda dartii.
Waa qof u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka carqalada galmada la xiriirta ee dagaalka
Iyadoo ah agaasimaha gobolka ee Hindisayaasha Muhiimka ah ee Haweenka Geeska Afrika (SIHA), ayaa haweeneyda ah dhaqdhaqaaqaha caanka ah ahna qoraaga ee Hala Alkarib waxay hoggaamisaa dadaalo looga hortagayo rabshada ku salaysan jinsiga ee kajirta gobolka oo dhan.
Laga soo bilaabo markii dagaalku ka qarxay Sudan Abriil 2023, SIHA waxay dabagal ku haysay rabshada galmada iyo dagaalka la xiriirta ayadoo taageero siinaysa haweenka iyo hablaha.
Warbixintii QM ee Oktoobar 2024 ayaa ka digtay "heerka sare" ee kiisaskan oo kale, iyadoo farta ku fiiqaysa eedda malayshiyada RSF ee fulinta "dambiyada arxan darada ah", kuwaasina waa sheegashooyin RSF ay beenisay.
Warbixintu waxay ku qiyaastay in ugu yaraan 400 oo ka badbaaday tacaddi galmo oo lala xiriiriyay iskahorimaad hubeysan loo gudbiyay taageero tan iyo Luulyo 2024, taasoo ku tilmaantay tan inay tahay "wax aad u yar kaliya".
Waa Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka
Maadaama ay tahay hoggaamiye lasoo doortay oo ka tirsan xisbiga Conservative Nofeembarna lasoo doortay ayaa Kemi Badenoch waxay tahay haweeneydii madoobeyd ee ugu horreysay ee hoggaamisa xisbi weyn oo siyaasadeed oo ka dhisan UK.
Haatan waa xildhibaan ka tirsan baarlammaanka oo uu leeyahay deegaanka North West Essex horayna waxay u ahaan jirtay xoghayaha ganacsiga iyo wasiirka haweenka iyo sinnaanta.
Badenoch waxay ku dhalatay London waxaana dhalay waalidiin Nigerian ah laakiin waxay ku kortay Legos Nigeria iyo Mareykanka. Waxay ku laabatay UK ayadoo 16 sano jir ah maadaama siyaasada iyo xaalada dhaqaale ay xumaadeen Nigeria waxayna shahaado ka qaadatay culuumta injineerinka kombuyuutarada iyo sharciga.
Ka hor nolosheeda siyaasada waxay ahayd agaasime la shaqeeya agaasimeyaal kale oo uu leeyahay baanka sida gaarka ah loo leeyahay ee Coutts waxayna sidoo kale ahayd agaasime dhijitaal ah oo uu leeyahay joornaalka The Spectator.
Dhaqtarad caafimaad ahna dhaqdhaqaaqe siyaasadeed
Mahrang Baloch ayaa ka mid noqotay boqolaal haween ah oo ka qeyb galayay banaanbaxyo ka dhacay Pakistan, iyagoo ka cabanaya kiisaska dadka lagu la’yahay deegaanka qalqalka leh ee gobolka Balochistan dadkaasi oo la sheegay in si qasab ah loo lumiyay.
Baaqeeda loogu tala galay in la difaaco cadaalada ayaa yimid kadib markii aabihii dhalay ayada ay qabteen sida la sheegay ciidamada ammaanka askar ka tirsan sanadkii 2009 waxaana la helay labo sano kadib meydkiisa oo ay ka muuqato jirdilid.
Dabayaaqadii 2023, Baloch waxay hoggaamisay boqolaal haween ah inay ka qaybqaataan socod 1,000 mayl (1,600km) ah oo ay ku tageen caasimada Islamabad si ay u dalbadaan macluumaadka ku saabsan qaraabadooda maqan. Laba jeer ayaa la xidhay intii safarku socday.
Dibad-baxayaasha gobolka Balochistan oo ah xudunta fallaagada gooni isutaaga dooneysa ee dagaalka mudada dheer socday wada, ayaa sheegay in dadkooda ay kaxeysteen oo dileen ciidamada ammaanka Pakistan, intii uu socday howlgal ka dhan ah fallaagada. Maamulka Islamabad ayaa iska fogeeyay sheegashadaa.
Dhaqtaradu wixii intaasi ka dambeeyay waxay noqotay dhaqdhaqaaqe caan ah oo hoos yimaada calanka koox ayadu ay leedahay oo xaquuqul insaanka udooda laguna magacaabo Guddiga BYC Baloch Yakjeht (Midnimo) - Shaqadeeda xuquuqul insaanka ayaa waxaa lagu aqoonsaday liiska TIME100 ee soo socda 2024 ee hogaamiyayaasha soo baxaya.
Waa haweeney u ololeysa xaquuqda shaqaalaha galmada ka shaqeeya
Awooda wax hoggaaminaysa ee ka dambeysa ololeyaasha ayadoo ah ayaa Lourdes Barreto waxay waqtiga nolosheeda ku bixisay u doodida xaquuq sidii hore dhaanta in loo helo dadka jirkooda ka ganacsada ee galmada ka shaqeeya ee Brazil.
Ayadoo kasoo bilowday dhaqdhaqaaqeeda Bele do Para ee gobolka Amazon, ka dib iyada oo kaashanaysa asxaabteeda waxay aasaastay Shabakadda Dhillooyinka Brazil sannadihii 1980-meeyadii - mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii loogu hor abaabulay ee shaqaalaha galmada ee Koonfurta Ameerika.
Barreto oo haatan da'da sideedtameeyada kujirta ayaa gabbood fal la dagaalamaysay ama ka hortageysay walina halgankaasi kujirta muddo tobanaan sano ah.
Waxay aad gacan uga geystay abuurista siyaasado looga hortagayo HIV-ga dalka ka jira waxayna u ololeysay sidii looga hortagi lahaa ku faafitaanka HIV bulshooyinka dahabka qoda. 2023, waxay daabacday taariikh nololeedkeeda oo ayadu gacanteeda ku qortay.
Sheekooyinkeena in la aqbalo ayaanu ku duceyneynaa ee aanan la aamusin. Haddaanu nahay haweenka caalamka, anagoo isticmaaleyna awoodeena weyn ee aanu ku riyoono ugana fakarno rajooyinkeena, aanu u isticmaalno inaanu guul ku gaarno, aanu ku fakarno, aana wax uga baddalno bulshada.
Lourdes Barreto
Waa qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhaqanka
Maadaama ay tahay qof ka mid ah aasaaseyaasha Culture of Solidarity oo ah mashruuc shacabku leeyihiin oo lasoo bilaabay intii uu socday safmarkii aafada ahaa ayaa Danielle Cantor waxay qabatay shaqo lagu taageerayo bulshooyinka nugul ee kunool Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta.
Ayada oo kaashanaysa Alma Beck oo la aasaastay mashruuca ayaa waxay ka shaqeysaa House of Solidarity oo ka dhigan Guriga Midnimada oo ah fagaare noqday xarun baddal ah oo loogu tala galay niqaashka ama doodaha iyo hawsha dhaqanka iyo waxbarashada ah ee ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka gudaha Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta.
Waxay dhawaan aliftay buug ka samaysan sawirro badan oo ah buug farshaxan oo isticmaala dhaqanka si loo baaro farqiyada u dhexeeya aqoonsiga siyaasadeed ee bulshooyinka kunool Israel iyo Dhulka Falastiiniyiinta.
Ayada iyo xubno kale oo ka tirsan isku dhafka Fadhiga Haweenka Nabadda ee Women Peace Sit-In, Cantor waxay ka qeyb qaadanayeen dibad baxyo lagu baaqayo in durba xabad joojin laga sameeyo Bariga Dhexe iyo in la gaaro heshiis nabadeed.
Markii haweenku ka faaiideystaan naxariistooda dhaxal galka ah waxaanu dhabtii garawsan karnaa nidaamyada caddaalada waxaana dib u qiyaasi karnaa dariiqeena horay u socoshada.
Danielle Cantor
Waa qof u dhaqdhaqaaqa siyaasada horayna maxbuus ayay usoo ahaan jirtay
Mid ka mid ah 26 maxbuus oo lasii daayay Agoosto sanadkaan taasi oo qeyb ka ahayd isweydaarsi ballaaran oo lais weydaarsaday maxaabiis caalami ah ayadoo ahayd ayaa Lilia Chanysheva oo u dhaqdhaqaaqda siyaasada waxay ka tagtay Ruushka markii ay xorriyadeeda dib u heshay.
Chanysheva ayaa hogaaminaysay xafiiska siyaasigii mucaaradka ahaa ee dhintay ee Alexei Navalny ee gobolka Bashkortostan ee Ruushka. Shaqadeeda ayaa waxay ku lug lahayd baadhista kiisaska musuqmaasuqa, u dagaalanka doorashooyin xalaal ah iyo xoriyatul qawlka.
Ayadoo ahayd maalgaliye guuleystay kahor intii aysan u shaqo bilaabin Navalny ayaa waxay samayn jirtay latalin dhanka canshuurta ah taasi oo ay u samayn jirtay shirkado caalami ah oo kusugnaa Moscow.
2021, waa la xiray ayadoo lagu soo oogay dacwado xagjirnimo laguna xukumay sagaal sano iyo bar xabsi ah. Labo sano ayay xirneyd iyo sagaal bilood ka hor intii aan lasii deyn.
Senetarad
Hadda waxay wadaa kalkeedii shaanaad ayadoo matalaysa gobolka Maine oo Susan Collins waa haweeneydii ka tirsanayd Jamhuuriga ee mudada ugu dheer ka tirsanayd Senetka Mareykanka.
Waxay si joogto ah uga dhex shaqeysay qeybaha kala duwan ee xisbigeeda si ay u gaarsiiso sharci taariikhi ah. Ayadu waa mid ka mid ah lixda sanatar ee ka masuulka ahaa keenida hindisaha sharcigaas oo ah Xeerka Horumarinta Dhalma Deynta iyo Caafimaadka Haweenka Da'da Nolosha Dhexe Kujira kaasi oo lagu doonayo in lagu maalgaliyo $275m cilmibaaris ku saabsan dhalmo deynta, daaweyn, iyo wacyigalin dadweyne shanta sano ee soo socda.
Collins waxay aliftay Xeerka Mashruuca Qaran ee Alzheimer oo xiriiriya qorshaha qaran si looga hortago loona daweeyo cudurka Alzheimer. Waxay sidoo kale ka shaqeysay sidii loo xaqiijin lahaa maalgalinta ama fangareynta mashruuca ilaa laga gaaro 2035 waana in xisaabta lagu daro dadyowga adeegyada lasiiyo ay yaryihiin ee intaasi kasii ballaaran oo ay kujiraan dadka qaba xaalada Down's syndrome.
Waa haweeney u ololeysa xaquuqda dumarka
Ayadoo ah saxafiyad Kurdish ah iyo dhaqdhaqaaqe ayaa Zhina Modares Gorji wax ka aasaastay Ururka Haweenka ee Zhivano 2019 kaasoo isticmaala waxbarasho, mudaaharaad, iyo dadaalo taageero ah si uu ula dagaallamo rabshada kadhanka ah dumarka.
Ayadoo la xiray labo jeer laga soo bilaabo markii la bilaabay dhaqdhaqaaqa Haweenka Iran, Nolosha, Xorriyada, Modares Gorji waxaa markii hore lagu xukumay 21 sano oo xarig ah ayadoo dacwadaha lagu soo oogay ay kujireen 'been abuur kadhan ah dawlada'. Hadda waxay xabsi ku qaadanaysaa xukun la dhimay oo labo sano iyo afar bilood ah.
Modares Gorji waxay xubin ka ahayd ololihii Halka Milyan ee Saxiix si loo soo uruuriyo taageerada dadweynaha ee loogu tala galay isbaddalo sharci gudaha Iran, ayadoo wax laga qabanaayo sharuucda takoora dumarka.
Waxay ayadu ka dambeysaa kooxda sawirqaadeyaasha dumarka Kurdiyiinta oo ah barnaamij cod ah oo duuban oo ku saabsan haweenka iyo buug carruureed ka hadlaya haween wax dhiirigalinaya oo Kurdiyiin ah.
Waa qof madax ah oo hoggaamiya tuulo waxayna u ololeysaa keymaha iyo sidii loo dhowri lahaa
Beeraley Nejla Isik oo dhawaan loo doortay hogaamiyaha deegaanka Ikizkoy ee galbeedka Turkiga ayaa hogaaminaysay dagaalka ka dhanka ah xaalufinta dhirta shantii sano ee lasoo dhaafay.
Markii kaynta u dhaweyd ee Akbelen ay khatari kasoo wajahday codsiyo ku saabsan in aaga ay ku taalo laga qodo dhuxusha coal, Isik iyo haween kale oo deegaankaa kunoolaa ayaa weerar celis sameeyay ayagoo dacwado sharci furay bilaabayna dibad baxyo si loo joojiyo geeda jaridda loogu bannayn lahaa meesha mashaariicda dhuxul qodida.
Waqtiyada qaarkood ololahooda deegeenka lagu cayminayo ayaa dhaliyay dagaallo daran oo u dhexeeyay booliska iyo dibad baxeyaasha hortaagnaa oo ilaalinaayay dhulka geedaha alwaaxdu ka baxaan laakiin Isik iyo tuulaley kale ayaa wacad ku maray inay ku adkeystaan mowqifkooda inkastoo ay wajahayeen caqabado iyo khataro ama hanjabaado ay ku jireen ganaax in laga qaado maadaama ay kaynta galeen idin la'aan (ganaaxii waa laga saaray meesha mar dambe).
Dumarka guryaha, berrinada, waddooyinka, halganka gudihiisa... waa kuwa qurxiya caalamka, oo shaki la'aan, way badbaadin doonaan.
Nejla Isik
Siyaasiyad
Ayadoo lagu yaqaano u dooditaanka sinaanta jinsiga, Huang Jie waxay dhigtay taariikh Janaayo sanadkaan markii ay ku guuleysatay kursi baarlammaanka kuraastiisa ka tirsan ayna noqotay qofkii xildhibaanka ahaa ee ugu horreeyay ee si cad oo aan waabasho lahayn u sheega inuu ka tirsan yahay LGBTQ+ dalkaasi Taiwan.
Waxay u dooday isbaddallo waaweyn intii ay shaqada siyaasada kujirtay, ayadoo tusaale u dooday xaquuqda haweenka aanan la qabin iyo haweenka lammaanaha ah ee isu galmooda inay helaan daaweyn dhanka dhalmada la xiriirta iyo sidii ay ilmo ku dhali lahaayeen iyo sharraxidda in sharuuc dheeraad ah loo baahan yahay si wax looga qabto dhibaatada faqriga la xiriira caadada dumarka ee ay haweenku waayaan waxay kusoo gataan tambooni.
Kadib markii ay si cad usoo baxday 2023, waxay si cad uga hadashay xadgudb lagula kacay oo ay wajahday. Ka dhibbane ahaan loo geystay dhibaateyn sawiro qaaqaawan iyo been abuur ah, waxay udoodaa xoojinta sharciyada jira ee lagula dagaallamo xadgudubka galmada dhijitaalka ah.
Adkeysi dhab ah wuxuu kujiraa aqbalida kala duwanaanshaha. Sida hadba ay u badan yihiin codadka aanu kusoo darno meesha, ayaanu usii awood badnaanaynaa - gaar ahaan waxaa sii xoogeysanaaya kuwa mar loo tixgalin jiray inay tabar daran yihiin, kuwaasi oo ah dumarka iyo LGBTQ+.
Huang Jie
Waxay u ololeysaa xaquuqda socdaalka iyo hijrada
Maadaama ay kashaqeyso meelaha ay ku kulmaan siyaasadda iyo isirka gudaha Maraykanka, Guerline M. Jozef waxay u ololeysaa xuquuqda socdaalka.
Iyadu waa aasaasaha Bridge Alliance, oo ah hay'ad Haitian ah oo ay hoggaamiyaan haween diiradana saara wax u qabashada dadka ka soo jeeda Afrika.
Isaga oo hoos imanaya, Isbahaysigu wuxuu gudbiyay dacwad ka dhan ah Donald Trump sanadkan oo ku saabsan sheegashada aan sal iyo raadka lahayn ee uu ku sheegay in soogalootiga Haiti ay cunaan "xayawaanka guriga ee rabbaayada ah" khudbad uu ka jeediyay Springfield, Ohio, intii lagu jiray ololaha doorashada.
Jozef ayaa muddo dheer ahayd qof aad u dhaleeceysa masaafurinta Haitian-ka ee socota. Ururkeeda ayaa dhawaan ugu baaqay maamulka Biden in uu joojiyo dib u celinta dadka magangalyo doonka ah ee u qaxay Mareykanka si ay uga baxsadaan rabshadaha ka socda dalkooda jasiirada ah.
Waa abukaate
Ayadoo aad u jecel sharciga iyo caddaalada, Ruth Lopez waa madaxa sharciga ee Cristosal, oo ah urur ka shaqeeya horumarinta dimuqraadiyadda Bartamaha Ameerika oo dhan.
Waxay aad diirada u saareysay walina u saartaa ka hortagga musuqa, sharciga doorashada iyo dhowridda xaquuqul insaanka gudaha dalkaasi El Salvador.
Iyadoo ah qof aad u dhalliila dawlada dalka iyo hayadaha, ayaa waxay iyadu aad ugu ololeysay baraha bulshada si sare loogu qaado hufnaanta siyaasadda iyo la xisaabtanka guud ee shacabka ama dawlada ayadoo ay la xisaabtamayaan muwaadiniinta qudhoodu.
Shaqadeedu waxay aad caan usii noqotay horaantii sanadkan markii Eli Salvador dib loo doortay madaxweyne Nayib Bukele markii labaad ee xafiiska. Bukele, oo caannimadiisu kor u kacday ka dib dagaal adag oo ka dhan ah dambiyada, ayaa isku magacaabay "kaligii taliyeha ugu fiican adduunka".
Siyaasi
Markii ay jirtay 22 sano, Hana-Rawhiti Maipi-Clarke waxay noqotay qofkii ugu yaraa haweenka Maori ee abid loo doortay baarlammaanka New Zealand.
Intii ay waday khudbadeeda ugu horreysa ee xildhibaanimada, waxay si caannimo leh u ciyaartay ciyaar dhaqdhaqaaq leh oo loo yaqaano haka taasi oo ah qoob ka ciyaarka xafladaha ee Maori, waxayna ku baaqday in xubnaha dadka asalka ah ku matala baarlammaanka la kordhiyo. Waxay dhawaan hoggaamisay haka kale oo hakad galiyay baarlammaanka shaqadiisa si ay uga mudaaharaado hindise sharciyeed muran badan dhaliyay.
Maipi-Clarke waxay si xamaasad leh ugu doodaa xaquuqda Maori, xafiditaanka dhaqanka, iyo arrimaha deegaanka ama biiada. Markii ay jirtay 17 sano, waxay daabacday buugeedii ugu horreeyay kaasoo ku saabsanaa kalendaariyaha Maori ee waqtia dayaxa ku salaysan.
Sanadkaan waxay heshay abaalmarinta Siyaasiga Halka Caalam ee Da'da Yar ee Sanadka ama One Young World Politician of the Year oo ay ku heshay dadaalladeeda ay sare ugu qaadeyso codadka dadka asalka ah ee da'da yar ee siyaasada kujira.
Haweenku waa inay laadaan kusoo galaan albaabada meelaha ay ogsoon yihiin inaan lagu casuumeyn, haddii ay tahay heer maxali ama deegaan, heer qaran ama heer caalami dhanka siyaasada.
Hana-Rawhiti Maipi-Clarke
Waa abukaate u dooda xaquuqul insaanka
Qaar ka mid ah bukaannada da'da yar ee ku jira isbitaalka carruurta ee Jose Manuel de Los Rios ee Caracas, Venezuela waxay ka yimaadeen qoysas sabool ah oo dakhligoodu hooseeyo oo hal waalid kaligii uu maamulo.
Prepara Familia, oo ah hay'ad aan dowli ahayn oo ay aasaastay Katherine Martinez, ayaa siisa ayaga agabka muhiimka ah sida dharka, qalabka caafimaadka iyo cuntada - iyo taageerada nafsaaniga ah.
Maadama ay tahay qareen udooda xaquuqul insaanka ayaa Martinez waxay leedahay liis kusaabsan waxa ay iyada iyo kooxdeedu u arkaan xadgudubyada xaquuqul insaanka ee ka dhanka ah carruurta iyo haweenka daryeelayaasha ah ee goobaha cisbitaalka, si ay ugu suurtagasho dhibanayaasha in ay raadsadaan magdhow.
Maadaama ay soo wajaheen heerar badan oo nafaqo darro ah gudaha Venezuela, Prepara Familia ayaa sidoo kale furtay xarun loogu tala galay inay carruurta iyo daweenka uurka leh siiso kab ama dhammaystir nafaqo ah iyo fiitamiino lacag la'aan ama bilaash ah.
Waa qof u dhaqdhaqaaqa Dhaqdhaqaaqa Socotada Irish-ka
Waxay un jirtaa 20 sano, laakiin Latisha McCrudden waxay durba noqotay abukaate kulul oo udooda bulshada socotada Irish-ka.
Maadaama ayaduba ay xubin ka tahay, waxay dooneysaa inay la dagaallanto waxyaabaha lama taabtaanka ah ee aanan laga hadlin had iyo jeer ee kuxeeran dadyowga laga tiro badan yahay ee kunool Ireland iyo inay codkeeda u adeegsato ka dhibbane ahaan xadgudub dhibbane usoo noqotay inay ladagaallanto rabshada kadhanka ah haweenka iyo hablaha.
Maadaama ay tahay ardayad dhigata jaamacada University of Galway, McCrudden waxay u shaqeysaa sidii xubin ka tirsan Fagaaraha Dhallinyarada Qaranka ee Dhaqdhaqaaqa Socotada Irish-ka, Guddiga Haweenka Qaranka ee Ireland, iyo kooxda taageerada Socotada, Minceirs Whiden.
Waxay rajeyneysaa inay tartanto si ay xil u hesho doorashada maxalliga ah ee 2029 ayna isbaddal u keento kaasi oo loogu tala galay mustaqbalka Ireland.
Waxay ku guuleysatay abaalmarinta Nobel
Iyadda oo haddeer hoggaaminaysa u ol'oleynta dadyowga kasoo badbaaday tacadiyada galmada, Nadia Murad oo u dooda xaquuqul insaanka oo ku guuleysatay abaalmarinta Nobelka waxay u adkaysatay xasuuqii Yasiidiyiinta gudaha Ciraaq kaas oo ay geysatay kooxda isugu yeedha Islamic State intii lagu jiray 2014-kii.
Waxaa qabsaday dagaalyahannada Daacish, waxaa lagu khasbay in ay noqoto addoon, waxaana loo geystay kufsi iyo tacaddiyo. Murad waxay ka baxsatay kadib saddex bilood, waxayna si geesinimo leh ugu sheegtay dhibaatadeeda adduunka si ay uga wacyigeliso xadgudubyada ku saabsan galmada ee la xiriira colaadaha.
Waxay iskaashi la sameysay qareenka xuquuqda aadanaha Amal Clooney si ay Daacish ula xisaabtanto, waxayna bilowday Nadia's Initiative si ay uga caawiso dib u dhiska bulshooyinka uguna ololeyso magdhaw dhibbaneyaasha.
Toban sano kadib xasuuqii Yazidiyiinta, Murad waxay weli tahay astaan caalami ah oo u taagan adkaysiga.
Waa in aan adeegsannaa waxa aan ugu yeedho annigu 'hubka ruuxda' si aan ugu dagaallano helitaanka sinaanta iyo caddaaladda: runta, rejada, iyo naxariista.
Nadia Murad
Waa haweeney macdanta qodda
Annie Sinanduku Mwange, iyada oo ah haweenay u dhalatay dalka Congo oo ku hawlanayd ganacsiga macdanta, waxay hoggaamisaa dhaqdhaqaaq shacab oo looga hortagayo sinnaan la'aanta iyo xadgudubyada galmada ee qaybta macdanta, halkaas oo kala bar dadka ka shaqeeya godadka laga qodo macdanta ay yihiin dumar.
Maadaama ay tahay hoggaamiyaha qaranka ee Shabakadda Macdan Qodashada ee Haweenka ee Renafem, waxay nafteeda ugu yeedhaa 'maamule oo qura', ama hooyada maamulaha ah, iyada oo haween masuul uga dhigta goobaha macdanta laga qodo si ay uga hortagto in ragga la shaqeeya ay si khaldan dhanka galmada ugaga faaiideystaan.
Maalgelinta haweenka ayadoo adeegsanaysa ayaa waxay sidoo kale rajeyneysaa in la dhimo shaqada carruurta ee goobaha macdanta laga qodo, ayadoo la ogsoon yahay in ay sii kordheyso adduunka baahida loo qabo macdanta cobalt iyo noocyada kale ee macdanta ee loo rabo tamarta nadiifka ah waxyaabaha ku shaqeeya sida gawaarida korontada ku shaqeeya.
Waa qof u ololeeya kala duwanaanshiyaha iyo kamid noqoshada
Falalka khaniisnimada ayaa geyru sharci ah, waxaana lagu muteysan karaa xarig xabsi ah- oo Kasha Nabagesera oo ah qof udooda LGBTQ+ waxay u dagaallantaa sidii loo baddali lahaa sharuucdaa wax cabburiya.
Maadaama ay tahay haweeney khaniisad ah oo si cad u sheegta inay sidaasi tahay, waxay saamayn qoto dheer ku yeelatay u ololeynta dhibaateynta la xiriirta LGBTQ+ Afrika oo idil.
Nabagesera waxay si guul leh u dacweysay wargeysyada iyo dawlada Uganda oo weerara LGBTQ+; waxay laba jeer xujo ama caqabad ku noqotay sharuuc liddi ku ah khaniisnimada gudaha maxkamadaha Uganda waxayna haatan xujo ku tahay oo ka horimaanaysaa xeerkii 2023.
Safarkeedii aqoonta waxaa kujira dhigrii dhanka ganacsiga ah oo ay ka qaadatay jaamacada Nkumba University ee Uganda, saaxiibnimo ama wadeynimo ah jaamacada Stanford University, iyo wax kubiirino ay wax ku biirisay fagaareyaal heer sare ah sida QM, Baarlammaanka Yurub, iyo Guddiga Afrika.
Waxay ka badbaaday kufsi waana ololeeye
Ayadoo luleysa gacanteeda midig oo aanan sheegeyn magaceeda una ogolaanaysa in sheekadeedu gaarto dunida ayaa Gisele Pelicot ay noqotay astaanta dhiirigalinta iyo adkaysiga.
Seygeedii hore ayaa qiray inuu dhulka kujiiday oo uu kufsaday markii ay isqabeen wali iyo inuu soo waday niman kale oo daraasiin ah si iyana ay u kufsadaan. Badi kufsiyada wax lagu soo eedeeyay waa la duubay.
Sida sharcigu qabo, Pelicot waxay xaq u leedahay inaysan magaceeda sheegin, balse taa beddelkeeda waxay codsatay in maxkamadaynta lagu qabto meel fagaare ah, muuqaalladana la soo bandhigo, iyada oo ujeedadu tahay in 'ceebta' dib loogu raro eedeysanaha. Qaar ka mid ah 50-ka nin ee kale ee ku lug lahaa kiiska ayaa qirtay inay kufsadeen, laakiin qaar badan ayaa sheegaya inay ka qaybqaateen oo kaliya falal galmo.
Ayadoo dhagaysiga dacwadu gaartay marxaladii ugu dambeysay, haweenka daafaha caalamka oo idil ayaa waxaa dhiirigaliyay ayeeyadaa Faransiiska ah oo rajeyneysa in kiiskeedu uu baddali doono sharciga Faransiiska iyo fikradaha ku xeeran kufsiga iyo ogolaanshaha.
Ra'iisul Wasaare ku Xigeen
Angela Rayner, oo haysa mid ka mid ah jagooyinka ugu sarreeya siyaasadda UK, ayaa noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen kadib doorashadii guud ee bishii Luulyo.
Angela Rayner oo ku barbaartay Stockport waxay xanaanayn jirtay hooyadeed iyada oo uur ahna waxay ka tagtay iskuullka 16 sanana jirtay. Waxay ka shaqayn jirtay daryeelka bulshada ee golaha deegaanka waxayna dallacday oo noqotay mid metasha ururka ganacsatada.
Rayner waxay markii u horeysay noqotay xubin ka tirsan golaha baarlamaanka ayadoo ahayd xildhibaan ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Ashton-oo hoos imaanaysa-Lyne sanadkii 2015-kii - waa haweenaydii ugu horreysay ee matasha deegaan doorasho - kadibna waxay noqotay wasiir hadh oo qaabilsan haweenka iyo sinaanta iyadoo sidoo kalana qabatay xilal kale.
Haddeer waa xoghaya guriyeynta, bulshooyinka iyo dowlada hoose.
Waa qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada
Aruna Roy, oo u halganta xuquuqda dadka saboolka ah ee Hindiya, waxay kasoo tagtay shaqadeedii dawlada si ay si sidii hore ka toosnaan badan ugula shaqeyso bulshooyinka ku nool dhulka miyiga ah.
Waxay wax ka aasaastay ururka shacabka ee Mazdoor Kisan Shakti Sangathan (MKSS), kaas oo diiradda saaraya daahfurnaanta iyo mushaharka caddaaladda ah waxayna ahayd xiriir muhiim ah oo lagu soo saarayo sharciga taariikhiga ah ee 2005 kaas oo awood u siinaya muwaadiniinta inay dalbadaan la xisaabtanka dowladda.
In ka badan afartan sano, Roy waxay hormuud ka ahayd dadaallada shacabku hoggaamiyaan taasi oo ay ku heshay abaalmarino badan oo ay ku jirto Ramon Magsaysay oo badanaa loogu yeero 'Abaalmarinta Nobel ee Aasia'.
Waa madaxweynaha Fadereeshinka Qaran ee Haweenka India oo sanadkaana waxay daabacday buug lagu magacaabo The Personal is Politician ama Shakhsigu waa Siyaasi.
Markii aan aad ugu waalano nakhshada weyn waxaanu badanaa ku guul darreysanaa inaanu ogaano riyada albaabka xiga.
Aruna Roy
Dacwoode ama mudaciga dacwad sharci oo ku saabsan in khasab dhalmada looga xiray ama madhalays looga dhigay
Maadaama ay ku dhalatay curyaanimada maskaxda, Yumi Suzuki waxaa ay la kulmaysay takoor laga soo bilaabo yaraanteedii. Markii ay da'deedu ahayd 12 jir ayaa lagu sameeyay qalliinka ilmo-galeenka ee hysterectomy, oo ah hab qalliin oo lagu saaro ilmo galeenka.
Laga soo bilaabo 1950-meeyadii ilaa 1990-meeyadii, dadka naafada ah qaarkood sida Suzuki ayaa si qasab ah madhalaysyo looga dhigayay dalka Japan sababo la xiriira sharci dib loo eegay 1996-kii kaasi oo dadka qaarkood isir sidahooda lagu xakamayn jiray si uusan u faafin.
Suzuki iyo 38 kale oo dacweeyayaal ah ayaa dacweeyay dowladda oo sanado badan oo dacwadu ay maxkmadaha kasocotay kadib, waa ay ku guuleysatay kiiskeeda. Bishii Luulyo, Maxkamadda Ugu Sareysa ee Japan ayaa xukuntay in nidaamkaa uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka, waxayna ku amartay dowladda inay siiso magdhowga dhibanayaasha.
Hayadaha dawliga ah ayaa qirtay in 16,500 oo qof laga saaray ilmo galeennada ama madhalaysyo laga dhigay iyaga oo aan ogolayn.
Waa macalimad iyo qof u ololeeya cimilada
Iyada ka tirsan madaxweyneyaasha KlimaSeniorinnen- ama Haweenka Sare ee Ilaaliya Cimilada- Rosmarie Wydler-Walti waxay hoggaamisay dagaal sharciyeed sagaal sano ah oo ka dhan ah dawladda Switzerland si ay ugu guuleysato kiiskii ugu horreeyay abid ee dhanka cimilada khuseeya gudaha Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha
Ayadoo la jirtay 2,000 oo kale oo dumar ah, ayaa Wydler Walti oo ah macalimad qaabilsan dugsiga barbaarinta carruurta yaryar ahna lataliye waxay ku dooday sida ay dowladda Switzerland u maareysay kulaylka aadka u daran ee lala xiriirshay kululaanshaha caalamka inuu khatar galiyay xaqoodii caafimaadka ay u lahaayeen, iyo in da'dooda iyo jinsigoodu kadhigeen kuwo si gaar ah unugul.
Bishii Abriil, maxkamaddu waxay xukuntay in dadaalka waddanku uu kudoonayo inuu kugaaro heerarkii dhimidda qiiqa hawada lagu sii daayo uusan ahayn mid intii la rabay gaarsiisan oo wax ku filan.
In kasta oo markii dambe baarlammaanka Switzerland uu ka horyimid go’aankaas, haddana dacwaddu waxay dejisay tixraac cusub oo loogu tala galay dacwada cimilada.
Waxay u doodaa xaquuqda haweenka
Waa abukaate muddo dheer usoo doodeysay xaquuqda haweenka gudaha Shiinaha. Feng Yuan waa qofkii aasaasay ahna agaasime katirsan Equality Beijing macnaha sinnaanta Beijing. Ayadoo la dhisay 2014 ayaa ururkaa waxaa ka go'an inuu u doodo isbaddal sharci, awood dhisid iyo la dagaallanka carqalada ku salaysan jinsiga ayadoo la adeegsanayo khad taleefan oo dadka soo waca la caawiyo.
Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay waxay taageereysay dhibbaneyaasha Me Too macnaha olole aniga xataa loogu magac daray waxayna tababar siinaysay shaqaalaha si looga hortago dhibaateyn galmo oo goobaha shaqada ka dhacda.
Feng waxay soo qabatay shaqo saxaafad ayadoo diirada saari jirtay arrimaha haweenka laga soo bilaabo 1986 ilaa 2006.
Laga soo bilaabo bartamihii sagaashameeyadii waxay gacan ka geysatay dhisitaanka dadaalo aan dawli ahayn oo badan oo ku xeeran haweenka iyo warbaahinta, HIV/Aids, hoggaanka, iyo awood siinta dhallinyarada. Waxay qortay oo tifaftirtay daabacaado gudaha Shiinaha iyo meelo kabaxsan.
Waa haweeney u ololeysa in dadka la qafaashay lasoo daayo
Maadaama ay tahay ololeeye iyo hooyo kaligeed ilmo korsata Einav Zangauker wiilkeeda oo ah 24 sano jir Matan ayaa la afduubtay ama la qafaashay kadib weeraradii Hamas hoggaaminaysay ee 7dii Oktoobar. Wiilkeeda gabar ay xiriir leeyihiin llana ayaa la qafaashay oo iyana gaar loo afduubay ugu dambayna lagu soo siidaayay isdhaafsiga maxaabiista.
Wixii intaasi ka dambeeyay ayadu waxay si joogto ah dareenka dadka ugu soo jeedinaysay dhibaatada dadka la qafaashay ayadoo ugu baaqeysay in hoggaamiyeyaashu tillaabo qaadaan ayadoo abaabuleysay dibad baxyo dadweyne si ay u mudaaharaadaan asbuuc ka asbuuc.
Zangauker waxay noqotay qof aad u dhaleeceeya dawlada Israel oo ka baaqsatay inay hesho siyaabe lagu soo sii deynaayo oo dalkooda ay ugu soo laabanayaan dadka la haysto, xataa haddii ay horay ugu codeysay Raisul Wasaare Benjamin Netanyahu xisbigiisa talada dalkaasi haya.
Waxay dalbanaysaa xabad joojin heshiis ah si loo sugo sii deynta dadka wali la haysto inta la qafaashay.
Waa qof u dooda xaquuqda taranka
Agoosto 2022, Amanda Zurawski ayaa ogaatay in mandheerteedu ay u dillaacday si aan buuxin. Dhaqaatiirta ayaa u sheegeen in ilmaha makaankeeda kujira uusan sii noolaan doonin.
Zurawski waxay ku nooshahay Texas waxaana loo diiday in ilmaha ay iska soo xaaqdo. Kadib markii Maxkamada Ugu Sarreysa ay diiday Roe v Wade dacwadoodii labo bilood oo intaasi kasii horreeyay, dawlada ayaa mamnuucday habraaca wixii aanan ka ahayn kiisaska bukaanka naftiisu ay halis kujirto. Saddex maalmood kadib, waxay gashay xaalad caafimaad oo khatar ah ayadoo markaana nafteedu khatar ay gashay ayaa ugu dambeyn waxaa loo dammaanad qaaday in ilmaha laga soo xaaqo.
Maarso 2023, Zurawski iyo 19 kale oo haween ah oo isla sidaasi ay ku dhacday ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah dawlada - waana kiiskii ugu horreeyay ee ay dumar keenaan kuwaasi oo loo diiday ilmaha in laga soo xaaqo maadaama la diiday in wax laga baddalo dacwada Roe v Wade.
Haatan waxay wacad ku mareysaa in ay sii wadi doonto dagaalka si ay usoo 'celiso una difaacdo xaquuqda taranka ee dalka'.
Waxay u ololeysaa xaquuqda dumarka
Ayadoo soo gashay baraha bulshada si codkeeda loo maqlo ayaa Fawzia al-Otaibi waxay muddo dheer u ololeysay in lasoo afjaro nidaamka maxrimnimada ee Sacuudi Carabiya.
Laakiin kadib markii ay u yeereen hayadaha dawliga ah si ay su'aalo u weydiiyaan waxay go'aansatay inay dalka isaga cararto.
Walaasheed Manahel al-Otaibi - oo sidoo kale ah qof udooda xaquuqda haweenka - ayaa la xiray laguna xukumay 11 sano oo xabsi ah horraantii sanadkaan kadib markii lagu soo dacweeyay arrimo la xiriira dookhyadeeda dharka ay xirato iyo aaraadeeda ay kusoo gudbiso onlaynka sida laga soo xigtay kooxaha udooda xaquuqul insaanka.
Al-Otaibi ayaa si aan hagar lahayn ugu ololeysay in lasoo sii daayo walaasheed. Qabqabasho dhawaan la sameeyay oo ka dhan ah dadka dawlada kasoo horjeeda ayaa dad badan xabsi la dhigay Sacuudi Carabiya kadib markii ay waxyaabo soo dhigeen baraha bulshada.
Dhaqtarad carruurta qaabilsan
Duqeymaha Israel iyo dhaqaale la'aan aad u badan kamaysan joojin Shireen Abed inay daryeesho dhallaanka dhawaan dhashay ee Gaza.
Way barakacday kadib markii uu bilowday dagaalka Israel-Gaza 2023 kadib markii gurigeeda lasoo duqeeyay laakiin daryeelkeeda dhallaanka cusub takhasusleha u qaabilsan ayaa sii waday inay kusii daryeesho nuuneyaasha gudaha xero barakacayaal oo ka agdhow.
Ayadoo adeegsanaysa sanado badan oo ay waayo aragnimo ka heshay waaxyaha daryeelka dhallaanka cusub ee isbitaallada waaweyn ee Gaza - ayaa dhawaan ka agaasime ahaan ka shaqeysa xarunta Dhalmada ee Al-Shifa Medical Complex - waxay hirgalisay borotakoolo loogu tala galay xaaladaha degdegga ah si awood loogu siiyo shaqaalaha caafimaadka inay bixiyaan daaweyno naf badbaadin ah ayadoo agabyada ama dhaqaalaha la hayo uu aad u kooban yahay, waxayna tababartay dhaqaatiir kale.
Xaaladaha ayaa ku qasbay inay ka tagto Gaza ayada iyo labadeeda gabdhood horraantii sanadkaan, laakin Abed waxay sii waday inay caawiso dhaqaatiirta goobta kusugan ayadoo ka fog.
Waa halabuure ganacsi oo dhanka joogteynta ah
Shilshila Acharya waxay waddaa oo ka shaqeysaa mid ka mid ah shabakadaha dib-u-warshadaynta caagga ee ugu weyn Nepal. Ganacsigeeda maaraynta qashinka ee Avni Ventures waxaa ay ka shaqaaleysiisaa shaqaale ka socda bulshooyinka la xagliyo waxayna diirada saartaa in ay haween badan ku darto qaybta cagaaran ee dhaqaalaha.
Acharya waxay kaalin hoggaamineed ka qaadatay ololihii 2014 ee 'Maya Mahadsanid, Waxaan Sitaa Shandadayda', oo keenay in la mamnuuco isticmaalka bacaha lagu dukaamaysto.
Macalinka wacyi galinta arrimaha cimilada iyo sida loola tacaalayo qashinka ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaysa barnaamijka nadaafadda ee sanadlaha ah ee ka socda buuraha Himalayas si looga saaro qashinka ay ka tagaan buurfuuleyaashu, iyadoo lasoo aruuriyay 119 tan oo qashin ah tan iyo 2019.
Dadaalkeeda ayadoo loo marayo ayaa qaar ka mid ah qashinkaas waxaa dib u isticmaala haweenka farsamada gacanta ee asalka ah kuwaasi oo ka sameeya dambiilo, dermo iyo waxyaabo sharraxaad jirka looga dhigo oo la xirto layskuna qurxiyo si ay u helaan nolol.
Waa injineerad dhanka beeraha ah
Markii biyuhu yaraadeen Gaza dagaalka daraadii ayaa Enas Al-Ghoul waxay dareentay inay tahay in ay hesho xal.
Injineerada dhanka beeraha ah ayaa isticmaashay waxyaabo sida alwaax, dhalo iyo bacaha roobka laga galo ama laga okorto si ay u abuurto aalad biyaha cusbada looga saaro oo biyaha badda looga dhigo biyo la cabbi karo.
Aalada ayaa wixii intaasi ka dambeeyay noqotay wax ay nolosha ugu tiirsan yihiin dad badan oo kunool teendhooyin ka mudan Khan Younis nawaaxigeeda koofurta Marinka Gaza, maadaama biyaha iyo agabyada ama xarumaha nadaafada dhaawac uu soo gaaray ama la burburiyay oo ay burbursheen militariga Israel laga soo bilaabo Oktoobar 2023.
Ayadoo ay ka go'an tahay inay isticmaasho xirfadaheeda si ay u caawiso Falastiiniyiinta barakacay ayaa Al-Ghoul waxay sidoo kale samaysay kuukar ku shaqeeya tamarta cadceeda waxayna baratay sida mar kale dib loogu hagaajiyo waxyaabaha si ay u samayso jooradiyo iyo boorsooyin.
Markii dagaal culus uu ka qarxay isbitaalkeeda kuyaala Sudan sanadkii lasoo dhaafay, Dr Safa Ali waxay diiday inay raacdo dadkii la shaqeynaayay, inkastoo madaafiic si joogto ah wax loogu garaacayay.
Maadaama ay ahayd lataliye qaabilsan dhalmada iyo cudurrada haweenka, waxay gacan ka geysatay daad gureynta dadka sida iskaa wax u qabsada ah ku shaqeeya iyo haweenka uurka leh oo loo dhigayay meel meeshaa ka badbaado badnayd, ayadoo lagu jiray iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada iyo Xoogagga Gurmadka Degdegga ah.
Haatan Isbitaalka Dhalmada ee Al-Saudi, haweyneyda ah dhaqtarada dhalmada waxay samaysaa qalliinada dhalmada waxayna ka shaqeysaa caafimaadka haweenka ayadoo ay jiraan culeysyo uu keenay dagaalka socda.
Waxay sidoo kale sii wadaa inay tababarto qiyaastii 20 haween ah oo dhawaan barashada dhaqtarnimada ka qalin jabiyay gaar ahaan dhalmada ama umulisonimada si ay gacan uga geystaan dhimidda shaqaale caafimaad yarida.
Waxaan aaminsanahay in ayadoo la adeegsanayo wax iska caabinta haweenka uu jiro ballanqaad dhanka wax buskeynta ah, caddaalad iyo mustaqbal aanaan innaba wax intaan kabadan aanaan ku noolaaneyn cabsi. Waa awoodooda waxa ixasuusiya in wali rajo jirto, xataa markii lagu jiro waqtiyada ugu mugdi badan ee quusta.
Safa Ali
Kalkaaliso iyo dhise iskuul
Deegaanka fog ee waqooyiga Bangladeesh ee ay ku nooshahay kalkaalisada Rikta Akter Banu, waxaa loo arkaa in carruurta qaba autism-ka ama naafonimadu ay tahay cuqubo.
Markii gabadheeda, oo qabtaa autism iyo xanuunka qofi si toos ah u is taagi karin ee cerebral palsy, loo diiday in laga diiwaan geliyo qoiskuulka hoose ee deegaanka, waxay iibisay dhulkeedii oo waxay dhistay iskuulkeeda gaarka ah.
dhigtaan 300 oo arday taas oo saamayn wanaagsan ku yeelatay deegaankeeda taas oo wax ka beddeshay aragtida bulshada ee ku aadan dadka naafada ah
Inkasta oo iskuulku markii hore loo dhisay carruurta qaba autism ama naafonimada dhanka waxbarashada ku aadan, haddana hadda wuxuu u adeegaa ardayda yaryar ee qaba naafonimada maskaxeed iyo jireed kala duwan.
Waa takhasusle qaabilsan cilmiga deegaanka
Maadaama ay tahay haweeney markii hore lab ahayd balse jinsiyadeeda baddashay Brigitte Baptiste waxay aad u baartaa ama sahamisaa qaababka guud ee u dhexeeya kala duwanaanshaha noolaha iyo aqoonsiga jinsiga.
Waxaa ay isticmaashaa muraayad dahsoon si ay u falanqeyso muuqaalada iyo hab-nololeedyada deegaanka si ay u balaadhiso fikradda 'dabiiciga ah' ee si sidii hore ka wacan loogu badbaadin karo nidaamka deegaanka. Hadal jeedinteedii TEDx 2018, waxay adeegsatay xabagta geedka naarajiinka ee Quindio, geedkaasi oo ah geedka qaranka ee Colombia, oo ay u soo qaadatay sidii tusaaleha 'isbaddalka jinsiga iyo laboodka loogu soo tebin jiray si joogto ah oo saynisku usoo tebin jiray' nolosha noocyada kala duwan oo dhan inta ay socoto.
Maadaama ay tahay aqoonyahanad caan ah, Baptiste waxay ahayd agaasimaha Machadka Alexander von Humboldt 10 sano waxayna hadda tahay madaxweynaha Jaamacadda EAN ee Bogota, oo ah machad waxbarasho sare oo diiradda saaraya ganacsi waara.
Waxay sidoo kale u ololeysay in qarash intii hore ka badan lagu bixiyo sidii dadka LGBTQ+ ay ku heli lahaayeen waxbarashada sae.
Waa naqshadeeyaha qalabka DIY ee sayniska
Sara Berkai, oo Eriteriyaan ah, waxay ku dhalatay Suudaan, kuna kortay London, waxayna noqotay qofkii ugu horreeyay ee qoyskeeda ah oo gala jaamacad halkaas oo ay ku baratay arrimaha koritaanka carruurta.
Waa aasaasaha Ambessa Play, oo ah shirkad onlayn ah oo samaysa agab waxbarasho oo DIY ah [macnaha Do It Yourself oo ah adiga qudhaaduba samee] oo loogu talagalay carruurta kuna dhiirigelisa inay ka qaybqaataan samaynta alaabta ay ku ciyaaraan.
Berkai shaqadeedu waxay siisaa carruurta aan iskoolada dhiganayn ee dalal badan oo kala duwan fursad si ay waxbarashada uga helaan ciyaaraha. Waxaa ay la timid fikraddaa mar ay soo jeedinaysay siminaaro ku saabsanaa STEM oo ay ka qeyb qaadanayeen carruurta barakacay ee gudaha Itoobiya iyo Eritrea 2019.
Fikradaheeda halabuurka leh ayaa lagu aqoonsaday liiska Forbes 30 ee Dadka Kayar 30 jirka ee loogu tala galay saamaynta bulshada iyo boogaadino kale.
Adkeysi waa niyad wanaag shaqeynaya - waa ballanqaad adag oo loogu tala galay mustaqbal sidii hore ka wacan, oo ku xidideystay jacayl.
Sara Berkai
Borogaraamiye iyo saynisyahan dhanka macluumaadka ah
Afkeeda hooyo oo ah Nahuatl lagama heleyn Google qeybtiisa tarjumaada ee aadka loo isticmaalo ilaa ay arrinka ku lug yeelatay Gabriela Salas Cabrera.
Haweeneydaan injineerada ah waxay kala shaqeysay shirkada weyn ee dhanka teknoolojiyada mashaariic luuqadeed si luuqadaan iyo luuqado kale oo asal ah oo looga hadlo Mexico loogu dhafo Google Translate. Turjumaada Nahuatl ayaa horay loogu sii daayay dadweynaha horraantii sanadkan.
Shaqada Salas waxay isticmaashaa awoodda garaadka macmalka ah (AI) si ay u horumariso luqadaha aan la matalin, iyo sidoo kale xoojinta joogitaanka haweenka asaliga ah ee warshadaha tignoolajiyada.
Takhasuskeedu waa dhanka borogaraamin u janjeerta walxaha iyo AI, waxayna sidoo kale wax ka barataa sayniska macluumaadka ayadoo dhigata Universidad Politecnica, Madrid, Spain.
Adkaysiga haweenku waa ololka aanan waligii damin kaasi oo u roga xanuun ujeedo wadadana u ifiya dadka soo socda.
Gabriela Salas Cabrera
Waa beeraley iyo tababare
Waa qof hage ama garwadeen dhanka beeraha ah ka ah beerta wax lagu baro dadka oo Naomi Chanda waxaa qorshaheeda shaqo uu yahay inay shaqo galiso bulshadeeda ayadoo isticmaaleysa habab qaddariya oo dhowra dhulka.
Waxay diirada saartaa 'xirfadaha heerka sare ah ee cimilada' - sida waraabka biyaha sida dhibic dhibicda ah loo soo sii daayo oo isticmaala biyo yar, ama dalag muddo gaaban ku baxa - ayadoo laf dhabar haweenka uga dhigaysa xalal loogu tala galay isbaddalka cimilada.
Ayadoo la shaqeyneysa NGO-ga waxbarashada gabdhaha ee Camfed ayaa Chanda waxay gacan ka geysataa wax barida qiyaastii 150 haween da' yar ah kuwaasi oo la baro sida loola qabsado farsamooyinka loogana dhigo kuwo adkaysi leh ayadoo ay jiraan haatan dhibaatooyin dhanka cimilada ah gudaha Zambia dhanka waqooyiga bari ee fog halkaasi oo abaaro dabo dheeraaday iyo isbaddallo xilliyeed ba'an ay saamayn daran ku yeesheen beeraleyda yaryar.
Waa qof ganacsade ah oo ka shaqeeya caafimaadka dumarka ee loo adeegsado teknoolojiyada
Macallimada caafimaadka galmada, Nour Emam waxay diiradda saaraysaa mowduucyo ay ka mid yihiin nadaafadda caadada, caafimaadka taranka iyo wacyigelinta galmada, arrimahaas oo loo arko badanaa lama taabtaan ama wax aanan laga hadlin ama aysan ka hadlin haweenka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Emam waa qof wax ka aasaasay iyo maamulaha Motherbeing, oo ah shirkad tignoolajiyadeed haween (teknoolojiyada haweenka) oo bixisa adeegyada isku dhafan ee rugta caafimaadka Qaahira iyo madal dhijitaal ah, iyada oo ujeedadu tahay in lagu sii horumariyo helitaanka daryeelka caafimaadka iyada oo loo marayo tignoolajiyada.
Waxay diirada saareysaa awood siinta haweenka ayadoo la adeegsanayo aqoon ku salaysan caddeyn ku saabsan jirarka ama jismiyada haweenka, ayadoo la fududeynaayo sidii lagu heli lahaa xog lagu tiirsanaan karo oo ku saabsan waxyaabaha la isticmaalo ee looga hortago uurka iyo cudurrada waqtiga galmada iyo sidii dumarka loogu caawin lahaa dhex mushaaxida arrimaha xasaasiga ah ayadoon laga baqeyn ceeb.
Waxay ku takhasustay kiimikooyinka iyo noolaha
Iyadoo ay dhiirrigelisay xikmadda ayeeyadeed oo ahayd bogsiiso, saynisyahanad Rosa Vásquez Espinoza waxay kashaqeysay inay isku darto cilmiga casriga ah iyo aqoonta dhaqameed si loo ilaaliyo kala-duwanaanshaha noolaha ee keynta Amazon ee Peru.
Iyadoo ah aasaasaha Amazon Research International, waxay la shaqeysaa bulshooyinka asaliga ah si ay u sahamiyaan noolaha badan ee kala jaadka ah welina aan laga faa’iidaysan ee keynta.
Espinoza, oo inta badan safarta deegaanada fog ee dunida ah, shaqadeeda waxaa ka mid ah soo saarista bakteeriyo cusub oo laga helayo Webiga Kululaada ee caanka ah ee Amazon, waxayna hoggaamisay falanqaynta kiimiko ee ugu horreysay ee lagu sameeyo shinnida aan wax qaniinin iyo malabka daawada ah ee dalka Peru.
Sidoo kale, waxay tahay safiir caalami ah oo matasha dadka Ashaninka, oo ah mid ka mid ah qabiilada asaliga ah ee ugu waaweyn Koonfurta Ameerika.
Waa qof yaqaana cilmiga kiimikada noolaha ahna qof helay abaalmarinta Nobel
Haweeneyda ah takhasuslaha kiimikada noolaha ee dalka Hungary Katalin Kariko cilmi baaristeeda la ammaanay ee farriin qaadaha wax laga baddalay ee RNA (mRNA) waxaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo tallaalada Covid-19 waxaana u isticmaasha shirkada BioNTech/Pfizer iyo Moderna.
Waxay ku guuleysatay abaalmarinta Nobel Prize (oo ay la wadaagtay jaalkeeda la shaqeeya ee Drew Weissman) oo ay ku heshay wax ku biirinteedii "heerka aan wax loo dhigo horay loo arag ee samaynta tallaalka intii lagu jiray mid ka mid ah khatarihii ugu waaweynaa ee soo wajaha caafimaadka baniaadamka waqtiyada casriga ah".
mRNA, waa waxa masuulka ka ah u tarjumida DNA-geena borotin, waa wax burburi og ayna adag tahay in lagu shaqeeyo, laakiin Kariko waxay ku qanacday inuu ka qaadan karo dawr weyn caafimaadka ama dawada.
Teknolojiyada ayaa la tijaabiyay safmarka hortii, laakiin waxaa haatan la siiyay malaayiin dad ah oo kukala nool daafaha caalamka si looga difaaco Covid-19 oo halis ah.
Yoolashaada beegso sidii aad ku gaari lahayd adigoo mar waliba diiradda saaraya wixii aad qaban karto balse diiradda ha saarin waxa dadka kale ay tahay inay qabtaan. Haddii aad ku guul darreysato, wax ka baro arrinka. Istaag oo kusii soco isla xamaasadii.
Katalin Kariko
Dhaqtar caafimaad oo qaabilsan kansarka
Ayadoo adeegsanaysa daaweyno wax looga gol leeyahay iyo sare u qaadida difaaca jirka si uu isaga caabiyo kansarka, Georgina Long waxay dooneysaa inay aragto duni dadku uusan u geeriyoonin kansar.
Maadaama ay agaasimeyaasha machadka Melanoma Institute Australia ka tirsan tahay, Georgina Long waxay noqotay caan 2024 kadib markii ayada iyo dad kale ay sameeyeen daaweyn dunida tan ugu horreysa ah oo ka dhigtay jaalkeeda ahna saaxiibkeed, Richard Scolyer mid sii ahaada qof aanan qabin kansar kadib markii uu yeeshay nooc kansarka maskaxda ah oo gaar ahaan aad u dhib badan.
Georgina Long iyo kooxdeeda- oo uu kujiro bukaanka qudhiisu- ayaa waxay ogaadeen in daaweynta difaaca jirku u shaqeeyay si sidii hore ka wacan markii isku dar daawooyin ah la isticmaalay ka hor inta aan qalliin burada lagu soo saarayo aan la bilaabin.
Shaqadooda ah tan ugu wacan ama ugu horreysa ayaa laga soo qaatay sanado badan cilmi baaris lagu sameeyay melanoma, taasi oo lagu tiriyo inay badbaadisay nafafyaalka kumanaan bukaano ah oo qaba laguna soo sheegay kansar.
Hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ayay tahay inay udoodaan kuna guuleystaan isu danqashada iyo baniaadminimada la wadaago, ayagoo u awood siinaya dadka inay xujeeyaan oo ka hortagaan nidaamyada mudadoodii lasoo dhaafay ayna jiriyaan xalal halabuur leh oo loo doonayo dhibaatooyinka.
Georgina Long
Saynisyahan qaabilsan culuumta kombuyuutarka
Dunida ku socota kobaca degdega ah ee farsamada garaadka macmalka ah ee Artificial Intelligence (AI), raadka karbonka ee shaqadaa badanaa waa la iska indho tiri karaa.
Saynisyahanka sare ee AI Sasha Luccioni ayaa gacan ka gaysatay naqshadaynta aalad ka caawisa warshadleyda inay go'aamiyaan xaddiga kaarboonka ee ay soo saaraan iyagoo la socda koodh la soo dejiyay in ka badan 1.3m jeer.
Luccioni waa hoggaamiyaha cimilada Hugging Face, oo ah shirkad caalami ah oo da'yar oo la shaqeysa moodooyinka AI ee furan oo waxay dooneysaa inay "xornimo u keento barashada mashiinka ee wanaagsan".
Waxa ay diirada saareyso waa inay sii hagaajiso joogteynta tignoolajiyada AI, waxaana ujeedkeedu yahay in la sameeyo 'nidaam lagu qiimeeyo tamarta' oo shirkadaha AI ee dhawaan la aasaasay ay u isticmaali karaan isbarbardhigga saameyntooda cimilada.
Waa hoggaamiye midow ay leeyihiin xiriiriyeyaasha
Kauna Malgwi waa dhaqdhaqaaqe cod dheer oo waxay u adeegtaa xaquuqda shaqaalaha teknoolojiyada iyo garaadka macmalka ah (AI) shaqada ku saabsan. Ayada oo ah takhasusle qaabilsan caafimaadka nafsiga ayaa waxay hoggaamisaa Midowga Xiriiriyeyaasha Macluumaadka ee Nigeria waxayna samaysaa wacyigalin ku saabsan dhammaan shaqooyinka aan la arki karin ee tababara nidaamyada AI.
Dawrkeedii hore ee ka xiriiriye ahaan qaabilsan macluumaadka ayada oo aan shaqo rasmi ah haysan balse qiime jaban ku shaqeysa ee Facebook, Malgwi waxay sheegtay in ay aragtay muuqaalo fiidiyow ah oo ku saabsan kufsi, isdilid, iyo xadgudub ka dhan ah carruur, taasi oo ku ridday hurdo beel iyo cabsi badan.
Waa mid ka mid ah 184 xiriiriye oo hore oo dacweeyay Facebook shirkada leh ee Meta, iyo waliba shirkada qandaraasleyaal hoosaadkeeda Kenya kuna soo eedeeyay in si geyru sharci ah looga joojiyay shaqada kadib markii qof wax daboolka ka qaada uu shaaciyay in meesha ay ka jireen xaalado xun oo shaqo.
Waxay ka marag kacday Baarlammaanka Yurub hortiisa si ay ugu doodo xiriiriyeyaasha macluumaadka xaquuqdooda.
Dumarku waxay xujeyn karaan oo wax ka baddali karaan xaqiiqooyinka caalamka jabay ayagoo bannaanka keenaya fikir guud oo qiimeeya horumar teknoolojiyad iyo fayoobi dhimir intaba.
Kauna Malgwi
Beeraley
Markii aabaheed uu dhintay 2015, Olga Olefirenko waxay dooneysay inay ka dhabayso wixii ay ku taami jirtay ee ahaa inay hirgaliso shirkad. Kadib markii ay soo gadatay xoolo nool, waxay bilowday inay shaqeyso laakiin durba waxay la harjaday dhibaato dhaqaale xumi waxayna ku qasbanaatay inay sii iibiso dhammaan xoolihii noolaa.
Laakiin maysan dooneyn inay ka tagto waxyaabihii uu ku hamiyi jiray aabaheed - oo lagu dilay furinta hore ee Donbass asaga oo shaqada kujira ahaana taliyaha ciidamada badda ee ciidamada khaaska ah.
Sanadkii lasoo dhaafay waxay dejisay qorshe ganacsi si ay uga dalbato maalgalin Halyeeyada Ukraine Qasnadooda laakiin codsigeedii kuma aysan guuleysan.
Olefire waxay bilowday inay mar kale ka dhex shaqeyso beerteeda ayadoo diirada saareysa casriyeyn, isticmaalka teknoolojiyado beera falasho oo cusub, iyo abuuritaanka shaqooyinka loo doonayo bulshada maxaliga ah ee deegaankeeda arrinkaasi oo ay ka dhex aragtay dhiirigalin loogu tala galay dadaalkeeda iyo hoggaanka.
Waa Qofkii Aasaasay Naadiga Stair Crusher
Markii isticmaalaha gaari kursiga curyaanka Subin Park ay ogaatay in meelo badan oo ka tirsan Seoul oo ay doonaysay inay aado aanan la gali kareyn, waxay u baxday isticmaaida xirfadaheeda maadaama ay horay u ahaan jirtay maareye maareeya mashruuc dhanka IT-ga ah si ay u sharraxdo ama wax uga qabato dhibka.
Subin Park waa qof ka mid ah muasasiinta naadiga Stair Crusher, oo ah mashruuc aan faaiido doon ahayn oo soo uruuriya macluumaad ku saabsan dariiqyo aan u rooneyn oo aysan mari kareyn gawaari kursiyada curyaanka iyo goobaha katirsan Koofurta Korea ee aan lahayn wiishash iwm oo ay isticmaalaan dadka ay ku adagtahay inay adeegsadaan jaraanjarooyinka.
Mashruucaan wuxuu diirada saarayaa inuu abuuro qariidad la heli karo oo loogu tala galay isticmaaleyaashiisa.
Ilaa iyo hadda in ka badan 2,000 oo muwaadiniin ah ayaa wax ku biiriyay macluumaadka mashruuca ayagoo u maraya munaasabadaha ama dhacdooyinka uu qabto naadiga Stair Crusher oo 14,000 oo deegaan oo ka tirsan daafaha dalkaasi ayaa lasoo baaray sida dadka curyaanka ahi u gali karaan.
Waa qofkii aasaasay xarunta Superhumans Centre
Ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine, Olga Rudnieva waxay dareentay inay u baahan tahay inay wax qabato si ay u caawiso kuwa ku dhaawacmay dagaalka.
Dadka lugahooda ama adimadooda ku waayay dagaalka dad badan ayaa u arkayay dhibanayaal, laakiin Rudnieva waxay u ahaayeen dad aan caadi ahayn 'superhumans' oo u qalma inay helaan dhammaan caawinta ay siin karto.
Waxay furtay xarunta dhaawacyada maskaxda ee Superhumas ee Lviv, oo ay maamusho ayadoo ah madaxa waxaana la maamusha koox ka kooban takhasusleyaal. Xaruntu waxay bukaanka siisaa adimada macmalka ah ee prosthetic dhawaana waxay daah furtay xarun dhaqan celineed.
In ka badan 1,000 qof ayaa ka faa'iideystey adeegyadeeda labadii sano ee ugu horeysay tan iyo markii ay bilowday shaqada.
Adkeysi waa subax walba inaad kutoosto seeriga digniinta ah aadna sii wado inaad u dagaallanto dalkaaga. Waa in la ogaado 'sababta aad u taagan tahay?' baddalkii la joogi lahaa 'maxaa aniga ii soo arkay? Waxay ku saabsan tahay in la helo habab aad wax badan ku qabato xitaa marka aad haysato wax intii hore kasii yar maalin kasta.
Olga Rudnieva
Waa lataliye dhanka cilmi nafsiga ah
Samia oo ah takhasusle dhanka cilmi nafsiga ah - taasi oo aqoonsigeeda ay BBC-du qarinayso si loo badbaadiyo amnigeeda shakhsi - waxay taageereysay Suuriyaanka wajahaya dhibaato dhanka maskaxda ah oo ka timid dagaalka sanadaha badan dalkaasi ka socda.
Dagaalka mudada dheer kasocda dalkaasi ayaa waxaa ku naf waayay kumanaan kun oo qof oo dad badan oo ka badbaaday ayaa kunool xaalado badanaa qallafsan lana harjadaya dhibaatooyin caafimaadka dhimirka ah sida walwal iyo walbahaar.
Ayadoo ka shaqeyneysa rug qaabilsan caafimaadka dhimirka oo ay maareyso IRC ayaa Samia waxay qabataa xiisado latalin ah oo loogu tala galay barakacayaasha iyo qoysaskooda kunool xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari Suuriya.
Inkastoo dhaqaale yari hayso ayada wali waxaa ka go'an sii hagaajinta caafimaadka dhimirka ee bukaanada waxaana ay ku adkaysanaysaa sare u qaadida wacyigalinta goobaha dhibaatooyinku ka aloosan yihiin.
Waa takhasusle qaabilsan cilmiga noolaha
Haweeneyda ah takhasuslaha cilmi nafsiga ee Silvana Santos ayaa daahfurkeeda aadka u wanaagsan ee dhanka hidde sidaha ah guud ahaanba ku sheegtay inuu ku yimid nasiib - waxay la kulantay qoys la ildaran cudur aan la aqoon isla wadadii ay dagganayd.
Waxay ku guuleysatay inay ogaato inuu yahay xaalada SPOAN (soastic paraplegia, optic atrophy, iyo neuropathy) oo ah cudur naadir ah oo saameeya hidda-wadaha oo sababa in dadku ay curyaan noqdaan qeybaha waqooyi bari ee Brazil.
20 sano kadib markii ay bilowday cilmi baaristeeda oo ay ka bilowday magaalada Serrinha dos Pintos, Santos waxay ku caawisay dadka halkaasi daggan ee xaaladaasi caafimaad darro ay saamaysay inay heleen baaritaan xaalada lagu aqoonsanayo oo muhiim ah.
Waxay daraaseysaa dadka sida ay ugu dhacaan cudurrada hidde-sideyaasha ee naadirka ah iyo xiriirka ay la leeyihiin is-guursiga dadka aadka qaraabada u ah ee kunool miyiga saboolka ah ee Brazil.
Sideen u muujin karnaa awoodda adkeysiga? Ogow in noloshu tahay meerto. Xataa markii ay jirto abaar ba'an, waa un noolaanaa. Xilli robeedka, waanu barwaaqownaa oo miraa noo baxa.
Silvana Santos
Abukaate qaabilsan ladagaallanka isbaddalka cimilada
Adenike Titilope Oladosu oo ah Nigerian waa aasaasaha I Lead Climate Action, dhaqdhaqaaq asal ah ama shacab oo haweenka iyo dhalinyarada la dagaallama isbedelka cimilada ay leeyihiin. Sidoo kalana waa qof u dooda arrimaha deegaanka iyo haweenka.
Waxay ka shaqeysay sidii ay bulshada ugu wacyigelin lahayd sida wasakheynta deegaanka ay u saameysey Harada Lake Chad — oo ku taal xuduudka dalalka Nigeria, Niger, Chad, iyo Cameroon — halkaas oo kheyraadka biyaha oo yaraaday ay keeneen kacdoonno.
Shaqada Oladosu waxay diiradda saartaa wax ka qabashada arrimaha deegaanka iyo arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa saameeya haweenka Afrikaanka ah, oo ay ku tababarto xirfadaha beeraha iyo joogteynta beero falashada meelaha ay saxare noqoshada dhulku si toos ah u saameyso sugnaanta cuntada.
Maadaama ay ka qeyb gashay Shirweyneyaal Isbaddalka Cimilada kusaabsan oo badan oo Qaramada Midoobay qabatay laga soo bilaabo 2019 iyo wixii ka dambeeyay, waxay ku tirtirsiisay dadka siyaasada dejiya inay mudnaan siiyaan u adkaysiga cimilada iyo sidii loo sii xoojin lahaa Afrika.
Dhibaatada cimilada ayaa ah arrin adkaysi ku saabsan oo aan noo reebin wax xulasho ah wixii aan ka ahayn inaan isku dayno inaanu guuleysano. Si looga badbaado dhibaatadaa, waxaan u baahan nahay maalgalin adag in lagu sameeyo teknoolojiyada iyo halabuurka.
Adenike Titilope Oladosu
Cirbixiyeen
Markii Nasa cirbixiyeenka katirsan ee Sunita Williams ay fuushay dayaxgacmeedka Boeing Starliner 5tii Juunyo, waxay fileysay inay bilowdo hawlgal qaadanayay sideed maalmood oo ku wajahnaa Saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah (ISS).
Laakiin kadib markii ay dhaceen tixane khaladaad farsamo ah ayadoo fuushan, Sunita Williams iyo jaalkeeda Barry Wilmore waxaa loo sheegay inaysan Dhulka kusoo noqon doonin ilaa Febraayo 2025.
Sunita Williams, waa baylood ama qof duuliye horay u ahaan jiray oo waxay duulin jirtay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda waxayna ahayd qofkii horay u haystay rikoorka qofkii ugu socodka badnaa ee hawada sare ku socda ee dumar ah, waxayna noqotay qofkii ugu horreeyay ee maaradoon ku orda hawada sare sanadkii 2007.
Inkasoo ay haatan ka fogtahay asxaabteedii iyo qoyskeeda 400km Dhulka ka kore, waxay ku qanacday joogitaanka mudada dheer ayadoo leh dhabar adayg iyo dabeecad heer sare ah, ayadoo sheegtay in dayaxgacmeedku uu yahay 'halka ay ayadu ku faraxsan tahay'.
Barnaamijka BBC ee 100-ka Haweenka ah wuxuu soo magacaabaa 100 dumar ah oo saamayn leh iyo dhiirigalin oo ku kala nool daafaha caalamka. Waxaanu soo duubnaa dukumeentariyo, maqaallo dhaadheer, maqaallo war iyo wareysiyo - waa sheekooyin ka dhiga laf dhabarta horumarka laguna daabaco lagana baahiyo dhammaan bogagga ama qeybaha kala duduwan ee BBC.
La soco BBC 100-ka dumarka ah barta Instagram iyo Facebook kuna soo biir wada sheekaysiga adigoo isticmaalaya #BBC100Women
Kooxda 100 Haween ah ee BBC-da ayaa diyaarisay liis kooban oo magacyada lagu ururiyey cilmi-baadhis iyo talooyin ka yimid shabakaddaha 41-ka Luqadood ee Laamaha Adduunka ee BBC, iyo sidoo kale BBC Media Action.
Waxaan baadhaynay musharrixiin ka dhex muuqday wararka ama saameyn ku yeeshay sheekooyinka muhiimka ah 12-kii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kalena kuwa leh sheekooyin dhiirigelin leh ama kuwa kuguuleystay wax weyn oo saameyn ku yeeshay bulshadooda siyaabo lagaba yaabo in aan wararka lagusoo qaadan.
Liis magacyo ah ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay mawduuca sanadkan oo ah adkeysi. Waxaan dooneynay inaan aqoonsano saameynta sanadkan uu ku yeeshay haweenka dunida oo dhan, anagoo dooranay kuwa – adkeysigooda dartood – u dagaallamaya isbeddel iyo hagaajinta nolosha heer bulshada dhexdeeda ah ama heer caalami. Sidoo kale, waxaan qiimeynay magacyada haweenka ka shaqeeya qaybta isbeddelka cimilada, waxaana laga soo xulay koox hoggaamiyeyaal cusub ah oo ku hawlan cimilada iyo hogaamiyeyaal kale oo deegaanka daryeela.
Waxaan matalnay codadka ka soo jeeda dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana sidoo kale baarnay magacyada ku saabsan mowduucyo kala qaybiya aragtiyaha.
Liiska sidoo kale waxaa lagu qiimeeyay matalaadda gobollada iyo sinnaan aan dhinacna loo janjeerin ka hor inta aan la dooran magacyada ugu dambeeya. Dhammaan haweenka ayaana ogolaaday in magacyadooda lagu daro liiska.
Kooxda Soo Saarista ee BBC 100 Women Valeria Perasso, Natalia Pianzola, Maria Zaccaro, Rebecca Thorn, Lara Owen, Natasha Fernandes, Niamh Hughes, Shiana Oppenheimer, Sarah Tiamiyu iyo Rubab Batool.
Taageero dheeraad ah oo dhanka soo saarista ah ayaa waxaa bixiyay: Vandana Vijay, Kateryna Khinkulova Mariam Aman, Vera Kwakofi, Mouna Ba, Rupa Jha, Julien El- Hajj, Mark Shea, Chris Clayton, YunaKu, Issariya Praithongyaem, Paula Adamo Idoeta, Laura Garcia, AnaPais, Zhanna Bezpiatchuk, Zlata Onufrieva, Berza Simsek, Fahat Javd, Anastasia Siroka, Thais Carranca, Celestine Karoney, Shahnewaz Rocky, Khayrulla Ubaidullaev, Abdybek Kaziev, Katerina Tse, Sylvia Chang, Laura Bicker, Aye Thu San, Bui Thu Do Hung, Farzad Seifikaran.
Tifaftiraha BBC 100 Women: Galnoosh Golshani.
Tifaftiraha fulinta: Claire Williams.
Tifaftiraha hawsha in la qabto codsaday: Fiona Crack.
Soo Saarista loogu tala galay Luuqadaha World Service. Rafael Chacon, Pip Joy iyo Carol Olona.
Naqshadaynta Lily Huynh, Prina Shah, Jenny Law, Matt Thomas, Pauline Wilson iyo Oli Powell.
Horumarinta Scott Jarvis, Arun Bhari, Alexander Ivanov, Matthew Taylor iyo Preeti Vaghela.
Xuquuqda sawirrada: Getty Images, Lauren Hurley/No. 10 Downing Street, Tracey Emin, Yoshimoto Entertainment, United World Wrestling, Stephanie King, Derrick Evans, Asta Kristjans, Shahnewaz Rocky, Annette Hornischer, Farhio Mohamed Hussein, Billsatya, Mohanad Elhussein, Mataara Stokes, Joe O'Shaughnessy, Tapas Mallick, @KuchuTimes, Melanoma Institute Australia, Christopher Michel, LeYa, M. Sven Torfinn, Mundele Badimubungi Alain, USA Archery, Daryna Lavrenko, Ko Oo, Alix McIntosh, Steve Gerrard, Kellys Portillo, Bangkok Pride, Mariana Castiñeiras, Diaspora Arts Connection, Acción Interna, Juan Pablo Orellana, Jean Francois Carly for Kathrine Hamnett/Samsung Global series, Paige Censale/Haitian Bridge Alliance, Gonzalo Marroquín, Raj Kumar Shrestha, Ravshan Musaev, HK studio, Lisa Palomino, Harold Levine, Media Wales, Nensi Ragab, Alexandre Nunis, Manon Obel/Clandestina, Hila Shiloni/Women of the Wall, Felix Speller/Design Museum, Kazım Kızıl, Hugo Mathy, Dmitry Aychuvakov, Ula Osman, Naver Sports, NASA, Peter Giodano, Yero Adugna, Jumadyl Tokkojoev, Marco Conti Sikic, François Barrère, Social Fund for Development, Membley Studios, Greg C. Holland, Ben Cohen, Hagar Bader/Laba Impact House, Keiko Atsuta, Doan Duc Thang, dadka lasoo magacaabay sawirro ay leeyihiin.