Kooxda ragga ee Kubadda Koleyga Nigeria, oo sidoo kale loo yaqaan D'Tigers, ayaa xaqiijiyey iney noqdaan kooxda kaliya ee ka socota Africa ee ka qeyb galeysa ciyaaraha Olympic-kada qeybta Kubadda Koleyga, kaasoo ka dhacaya magaalada Tokyo, iyagoo sidoo kale ka qeyb galey koobkii adduunka ee Kubadda Koleyga ee dhacey sanadkii 2019-kii.

Kooxda horyaalka Africa, ayaa sidoo kale garaacdey kooxaha ka socda dalalka Australia iyo Mareykanka bishan aynu ku jiro ee July ee sanadkan 2021-ka, ciyaaro saaxiibtinimo oo ahaa hordhac, kuwaasoo qabsoomey in yar kahor intaaney furmin ciyaaraha Olympic-kada ee haatan ka socda magaalada Tokyo.