Dr Cool
Ninka farsameeyey nidaamkaas oo idil, Dr Saud Abdul Ghani, ayaa BBC-da u sheegay in Qatar ay doonayso in ay abuurto dhaxal dalka waqti dheeer u sii shaqeeya ka dib marka ay ciyaaruhu dhammaadaan.
Wuxuu sheegay in sanado badan oo cilmi baaris ah ka dib ay isu baddashay wax uu ku tilmaamay "raaxada kulaylka" oo abuurtay jawi farxad gelinaya tiro badan oo dad ah. Ciyaaryahannadii iyo taagerayaashii World Atheletics Championship, ee lagu qabtay Qatar oo lala sheekaystay ayaa gaacan ka gaystay hannaanka garoomada loo qaabeeyey.
Aragtida ciyaaryahanka
BBC-da ayaa la hadashay Hajar Saleh, oo difaaca uga ciyaari jirtay xulka qaranka gabdhaha ee Qatar una ciyaari jirtay tan iyo markii ay 11 jirtay.Waxay garanaysaa waxa loo baahan yahay marka ciyaaro heer sare ah la rabo in ay halkan ku ciyaaraan. Waxay sheegaysaa in huurku uu yahay caqabadda ugu weyn.
Waa la qabsannay kulaylka, balse markii ay is biirsadaan kulaylka iyo huurku wax kastaa way adkaanayaan. Hajar Saleh
Hajar waxay khibrad u leedahay sida loogu ciyaaro garoomada cusub ee leh nidaamka qaboojinta, ee kala ah Khalifa iyo garoonka Educational City.
Waxay sheegaysaa in farqi uu jiro, gaar ahaan marka la ciyaarayo bisha June, oo ka mid ah bilaha ugu kulul ee Qatar sannad kasta.
Nidaamku ma yahay mid la joogteyn karo?
Dadka soo agaasimay Qatar 2022 ayaa ku adkaystay in nidaamka qaboojintu uusan ahayn mid hawada ku sii daynaya gaaska hawada wasakheeya, sababtuna waa in korontada laga dhalinayo qorraxda.
Balse ujeedada ugu weyn in la rabo in la xaqiijiyo inta uu tartanku socdo ayaa ah in la yareeyo waxyeellada Kaarboonka.
Xaddiga Kaarboonka ee hawada sare ku baxay markii la dhisayey garoomada kubbadda cagta - qiyaastiisu waa 90% marka loo eego raadadka guud ee kaarboonnada garoomada oo dhan, taas oo lagu qiyaaso 800,000 oo tan oo ah gaaska wax wasaqeeya ee lagu sii daaya hawada. Taasi waxay u dhigantaa gaari dunida lagu kaxeeyay 80,000 oo jeer, sida laga soo xigtay isu geynta waxyaabaha ku baxa hawada sare ee ay sameysay Wakaallada Difaaca Deegaanka ee Mareykanka.
Markaad eegtid meelaha ka baxsan garoomada, waxaa jirta saamayn uu gaadiidku ku leeyahay Koobka Adduunka, oo ay ka mid yihiin diyaaradaha taageerayaasha keenaya dalka.
Fifa waxa ay sheegtay in qaabka tartanka uu u socdo oo ah masaafo kooban oo u dhaxaysa goobaha lagu qabanayo ay ka dhigan tahay in qiiqa ka soo baxaya safarka u dhexeeya goobaha Qatar lagu qiyaasay in uu ka yar yahay saddex meelood meel meel ka mid ah kuwii lagu soo saaray Ruushka 2018.
Ballanqaadyada cagaaran ee Qatar waxay ku harsan yihiin yareynta isticmaalka kaarboonka si ay u magdhowdo dhammaan CO2-da horay loo sii daayay.
Ilaa hadda si aad ah uma cadda sida ay ay u xaqiijinayaan arrintan. Fifa waxa ay sheegtay in ay isticmaalayso teknoolojiyad kala duwan taasoo magdow u noqon karto qiiqa ka dhalan doono howlaha la xirirra koobka adduunka, oo ay ku jiraan waxtarka tamarta, maaraynta qashinka, tamarta la cusboonaysiin karo iyo, suurtogalnimada, beerista dhirta. Si kastaba ha ahaatee, xulashada ugu dambeysa ee mashaariicda weli lama xaqiijin karo.
Nidaamyada noocaan ah waxay qaadan karaan tobanaan sano ka hor inta aysan noqon kuwo wax ku ool u ah wax ka qabashada kaarboonka. Baadhitaan ay dhawaan BBC samaysay ayaa lagu ogaaday qorshe lagu rabay in lagu beero kyemo uusan dhaafsiisneyn mid warqad uun ku qoran.
Markaa waxa ay noqon doontaa wakhti ka hor inta aan si dhab ah loo xukumin in Qatar ay dhab ahaantii ku guulaysatay ujeedooyinkeeda cagaaran.
Dalku waxa kale oo uu weli wajahayaa dhaleecaynta kharashka badan ee bini’aadmigu ku kacayo 30,000 oo muhaajiriin ah oo dhistay garoomada, kuwaas oo ay ku jiraan tiro badan oo shaqaale ah oo la dilay iyo kuwo si xun loo dhaawacay. Waxaa sidoo kale jira eedeymo la xiriira in lagu shaqeysto, xaalad shaqo oo aad u liidata, guryo la’aan, mushaar la’aan iyo baasabooro lagala wareegay.
“Dowladda Qatar waxay ku doodaysaa xisaabaadkan, waxayna ku adkaysanaysaa in tan iyo 2017 ay soo saartay tallaabooyin lagu ilaalinayo shaqaalaha muhaajiriinta ah inay ku shaqeeyaan kulayl xad dhaaf ah, xaddido saacadaha shaqada iyo hagaajinta xaaladaha xeryaha shaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, 2021 oo kaliya, 50 shaqaale ah ayaa ku dhintay Qatar in ka badan 500 oo kalena waa ay si xun u dhaawacmeen kuwaas oo ka mid ahaa dhammaan dadkii ka qayb qaadanayay mashaariicda la xidhiidha Koobka Adduunka, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay Ururka Shaqaalaha Adduunka. Tani waa arrin kale oo ka baxsan garoonka taas oo rikoorka boqortooyada saxaraha ku taalla si dhaw isha loogu hayo.